BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

HARGEYSA : Guddiga Doorashada Somaliland oo sheegey in ay dib eegayaan Sanaatiikhda Doorashada ee Hargeysa

December 8, 2012 11:34 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Heygeysa:-Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Somaliland Saciid Yusuuf Maxamed ayaa waxa uu sheegey in ay dib u eegayaan Sanaatiikhda Doorashada ee magaalada Hergeysa, kadib markii rabshado ka dhashey natiijo horudhac oo ka soo baxdey doorashada ay dad ku dhinteen.

Saciid Yuusuf, waxa uu sheegey in sidan ay u sameynayaan maadaama uu dhiig ku daatey cabashada Doorashada, waxaana uu sheegey in ay samanayaan si kasta oo ay ku qanci karaan Ururada Siyaasadeed.

Mar wax laga weydiiyay in uu Ururka Xaqsoor oo taageerayaashiisu qaadaceen natiijada doroashada oo rabshado dhigey in ay la xiriireen, ayaa waxa uu sheegey in ay masuuliyiin ka tirsan Ururkaasi ay la xiriireen ayna dhaheen jawaabaha warbaahinta noo soo mariya.

Hergeysa oo ah Caasumadda Somiland islamarkaasna ay ka ligeed gobol tahay, ayaa waxaa laga coddeeyay 36 goobood.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA