BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

HARGEYSA : Ururada Siyaasada Somaliland oo Xaaraan iyo ku shubasho ku tilmaamey Natiijadda Doorashada Golayaasha Deegaanka

December 11, 2012 11:32 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Hargeysa:-Ururada Siyaasadda Somaliland ayaa si isdabajoga u qaadacayay natiijo hor u dhac ah oo ka soo baxeysa tirada codadka Doorashada Golayaasha deegaanka oo dhawaan ka dhacdey Somaliland.

Dr. Gaboos, “Dhiiqada la gali meyno Xukuumadda iyo Guddiga Doorashada Somaliland”

Dr.Maxamed Cabdi (Goboose) oo ah Guddoomiyaha Ururka Ummadda ayaa waxa uu sheegey in doorashadu ay ahayd mid xaaraan ah oo lagu shubtey oo caddaalada ka fog, waxa uuna eed kulul u jeediyay Xukuumadda iyo Guddiga Doorashada, waxa uu sheegey in uusan jirin Urur ka warqaba Santuukhiisa inta ku jirta, waxa uu sheegey in aysan islahayn waraqaaha la daabacey iyo tirada Codka iyo Xildhibaanada oo waxyaalo badan la isku qasey.

Guddiga Doorashada Somaliland, ayuu ugu baaqey in ay iscasilaan waxaana uu ku tilmaamey kuwo aan la aamini-karin oo dib dambe Doorasho u qaban karin.

Waxa uu sheegey  in Ururkooda Ummadda uu sii deynayo natiijada, iyaka oo doonaya in ay dalka u daneeyaan oo aysan ka qeybqaadan wax uu ugu yeerey dhiiqo lagu dhex jiro. “Marna ma aha wax aan isku qancin karno sida ay doorashadu u dhacdey, hase ahaatee, latashi aan sameyney taageerayaashayada ayaan go’aansaney in aan sii deyno natiijada ayuu yiri”.

Waxaa indhawale iska soo dabadhacayay hadalo kulul oo ka imaanayay Ururada Siyaasadeed ee Mucaaradka ah kuwaas oo ku doodey in doorashada lagu shubtey, qalalaase arintan Doorashada ka dhalateyna oo ay dhigeen taageerayaasha Ururka Xaqsoor waxaa ku dhintey 5 qof tiro kalana waa ay ku dhaawacantey.

M-weynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo Doorashadan markii ugu horeysey ka hadley ayaa Guddiga Doorahada ku adkeeyay in ay ay qanciyaan dhammaan Ururada wax tabanaya

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA