Islii: (pp)- Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa dhaawac ka soo gaaray bamgacmeed lagu soo tuuray Waqti uu ka soo baxaayey Masaajid ku yaal Xaafada Iskii.
Xildhibaanka ayaa lagu soo waramayaa in Dhaawac firir ah uu kasoo gaaray Lug, kaddib markii Bam gacmeed lala beegsaday Waqti uu taagnaa banaanka hore Masaajidka Hidaya ee Xaafada Islii , waxaana Bamgacmeedkaasi ay dhaawacyo kasoo gaareen Sagaal qof oo kale.
Dadka dhaawacmay ayaa Lix ka mid ah la sheegayaa inay dhaawacoodu uu aad u culus yahay.
Ciidamada booliiska ee magaalada Nairobi ayaa goobta isla markiiba soo gaaray , kuwaas oo bilaabay baaritaano ku aadan qaraxa ka dhacay Masaajidka Hidaya ee Xaafada Islii.
Wararka ay Puntlandpost ka helayso Xaafada Islii , ayaa intaas ku daraya Bamgacmeedkaas loola dan lahaa in lagu dilo Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah masuul laga soo doorto deegaanka Kaamukunji ee Xaafada Islii, waxaana xaaladiisa Xaaafamaad lagu soo warayaa inay wanaagsan tahay, laguna tacaalayo Isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi
Puntlandpost.com