Xildhibaan Yuusuf Xasan oo si adag u cambaareeyay af-duubka lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya

Yusuf Hassan

Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji, ayaa si adag u cambaareeyay dhacdooyinka af-duubka ah iyo dilalka ah ee maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Nairobi.

Degmada Kamukunji, waxa  tirsan xaafadda Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool magaalada Nairobi, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay wajahayay af-duub iyo dilal, islamarkaana qaarkood weli la la’yahay.

Dadka weli af-duubkaas lagu la’yahay oo afar qof ah, saddex kamid ah waa gabdho, waxaana jirtay in qaar kale madax-furasho lagu sii daayay sida ay sheegeen Eheladooda.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa dhacdooyinkii u dambeeyay ee lagula kacay Soomaalida, wuxu ku tilmaamay kuwa aan marnaba la aqbali karin isagoo si adag u cambaareeyay falalkaas.

PUNTLAND POST