BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

ISTANBUL : M-weynaha Somalia oo la kulmey Reysalwasaaraha Turki

December 7, 2012 10:17 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Istanbul:-M-weynaha Somalia ayaa la kulmey Reysalwasaaraha Turki  Recep Tayyib Erdogan waxaana waxaana ay ka wadahadleen xiriirka labada Dawladood iyo sida loo sii wadi karo.

M-weynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Dawladda Turki uga mahadnaqey taakuleynta ballaaran ee ay Ummadda Soomaaliyeed u sameeyeen waxaana uu ka codsadey in ay sii ballaarshaan oo ay sii waddaan.

Reysalwadaaraha Turki Recep Tayyib Erdogan, ayaa  waxa uu sheegey in ay ka go’an tahay taakulenta ay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay u fudinayaan, waxaana uu ballan qaadey in ay sii laba jibbaarayaan.

M-weynaha Somalia oo safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago Qaaradda Yurub ayaa u safrey Turki, isaga oo Caasumaad rasmi ah ka heley Dawladaasi, waxaana loo soo dhaweeyay soo dhaweyn mida M-weyne loo sameeyo oo heer sare ah.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA