BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Jaaliyadaha Jubbooyinka oo Dalalka Skandenevia oo baaq kasoo saaray Weerarkii Masaajidka Hidaya (Islii)

December 11, 2012 10:33 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Skandenevia: (pp)- Waxaa marag ma doonta ah in Argagixasda Caalamiga ah ee ka soo horjeedda Nabadda iyo Horumarka bulshada caalamka guud ahaan in sannadihii u danbeeyey ay si gaar ah ay mandiqadda Geeska iyo Bariga Afrika uga wadeen falalkooda argagixiso iyagoo ka shidaal qaadanaya fikirkooda Shaydaanimada huwan,had iyo jeerna waxyeeleeya Birma-geydada aan waxba galbsan ee la daalaa dhacaysa dhibaatada bulsho iyo midda dhaqaale ee ka jirta gayigaas.
baaqWaxay mar walba caadeysteen inay si toos ah u damiyaan iftiinka ama indhaha ay dadka dulman wax ku arkaan ama rajada u ah,waxaana ay dhaqan ka dhigteen inay ku tuntaan una aaba yeelin hab maamuuska iyo anshaxa san ee dadku ku wada noolaado,waxayna bar tilmaameedsadaan Macaabidda lagu cibaadaysto iyo Masaajidada ka nasahan waxaan ka ahayn wixii loogu talagalay,iyagoo ku daadidaya dhiigga dadka aan denbiga lahayn iyo hormuudka bulshada ee aqoonyahanka  ugu horeeyo iyo hoggaanka dhaqanka.

Sida la wada ogsoon yahay waxay dhowaan ka geysteen fal argagixisanimo oo fulaynimo ah xaafadda islii ee Magaalda Nairoobi ee caasimadda Kenya iyagoo weeraray Masjidka al-hiddaaya kuna dileen muslimiin ku cibaadaysanayey iyagoo dhaawac u geystay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ah xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsan Barlamaanka Kenya lagana soo doorto isla xaafaddaa falku ka dhacay.

Mudane Yuusuf Xasan oo ah nin aad u jecel wanaaga dadka soo doortay iyo weliba Soomaalida Kenya kuna caan baxay Soomaali jeceyl wax-qabad muuqdana ka sameeyey xaafadda ay Soomaalidu deggan-yihiin intii uu xilka hayey.
sababta loo waxyeeleeyeyna waa wanaagga iyo wax tarka bulshada.

Haddaba  anagoo ku hadlayna codka bulshada Reer Jubbaland waxaanu canbaareynaynaa falka foosha xun ee fulaynimada ah ee loo geystay xildhibaanka iyo dadkii ku shahiiday goobtaas,waxaa kaloo aanu u sheegaynaa kuwa niyadda xun ee argagixisada ah iyo cawaankoodaba inaan looga hadhi doonin denbiga ay geysteen meel katoo ay joogaana aanu shacab iyo dawladba ku tiigsan doono,waxaan kaloo dhegaha ugu shubayna inaanaan geediga u hekenayn oo horey u socon doono….

Ugu danbeeyntii waxaanu ilaahay ugu beryeynaa inuu si dhakhso ah u soo caafimaado xildhibaanku intii shihiiddayna ilaahay nebiga(nnkh)jaal uga dhigo ehelkooda iyo ummaddana samir iyo iimaan ka siiyo…

JAALLIYADDA JUBBALAND EE SKANDINEVIA

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA