BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

JABUUTI: Dadka Jamhuuriyada Jabuuti oo maanta dooranaaya xubnaha Baarlamaanka Dalkaasi.

February 22, 2013 5:26 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Jabuuti: (pp)- Dadweynaha Dalka Jabuuti ayaa Saakay u dareeray Goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan xubnaha Baarlamaanka Dalkaasi oo gaaraaya 65-Mudane, Saakay oogii Waaberi ayey Dadweynaha reer Jabuuti uu dareereen in ka badan 500- oo goobood oo ay dadweynuhu Codkooda ka dhiiban-doonaan.

jab

Goobaha laga codaynaayo in ka badan 200- oo goobood waxay ku yaaliin  Magaalada Jabuuti oo ah Caasimada Dalkaasi ayna ku nool yihiin dadka ugu badan wadankaasi,  Guud ahaan Amaanka Dalka Jabuuti ayaa siweyn loo adkeeyey waxaana amaanka sugaaya qaybaha kala duwan ee ciidamada amaanka Jabuuti, Waxaana Doorashadan ka qayb galaaya 3-Xisbi Siyaasadeed oo Labo kamid ah ay yihiin Mucaarad aan Doorashooyinka Jabuuti ka qayb gelin mudo ka badan 10-Sano.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo ka hadlay Doorashooyinkan ayaa Mucaaradka la tartamaaya ku tilmaamay Qaswadayaal doonaaya inay Dalka ka abuuraan qalaanqal Siyaasadeed isagoo qaarkood sheegay inay xiriir la leeyihiin Dalka Erateriya oo ay Colaadi kala dhaxayso Dalka Jabuuti, Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ragan Mucaaradka ah ay usoo tafaxayteen sidii ay u Burburin lahaayeen Dalka Jabuuti Isagoo Shacabka Jabuuti ugu baaqay inay ka digtoonaadaan ragaasi.

Waxaase arinkan si aada iskaga Fogeeyey Mucaaradka Dalka Jabuuti kuna tilmaamay hadalka Madaxweynaha mid beer laxawsi ah Cumar Cilmi Khayre oo kamid ah Mucaaradka Jabuuti ayaa hadalka kasoo yeeray madaxweynaha ku tilmaamay mid laga yaxyaxo, Isagoo tilmaamay inay Mucaaradku ka shaqeeyaan Nabad galyada Jabuuti ayna mar walba ku cel-celiyaan sida ay Muqadaska u tahay amaanka Dalka Jabuuti, Siyaasigan Mucaaradka ah ayaa dhamaan Axsaabta Siyaasada ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan Natiijada Doorashada si wadajir ahna u ilaashadaan Nabad galyadooda.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA