BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

JEEDALOW: Shirweynihii Beesha FIQI XIRSI oo maalintii 11-aad ka socda Baliga JEEDALOW qodobo bandanna laga dooday (Sawiro)

December 31, 2012 5:10 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Jeedalow: (pp)-Shirweynaha Beesha FIQI XIRSO oo galay Isbuucii labaad ayaa waxaa furmay 20-kii bishan December 2012-ka waxaana si rasmi ah uga qaybgalay furitaankiisii Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf jaamac Tigey, Duqa degmada Gaalkacyo Col. Siciid Cabdi faarax iyo Xubn kaloo farabadan oo ay ku jireen Dhakhaatiir iyo Waxgaradka qaybihiisa kala duwan, waxayna shirkan u rajeeyeen in uu guul ku soo dhamaado ayna ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah kana tarjuma danta guud iyo horumarka umada iyo deegaankaba.

16DSC01221Shirweynahan waxaa ka soo qaybgalay 150 xubnood oo Ergada Shirka ah oo u kala qaybsan 100 Xubnood oo ergo ah oo gudaha dalka laga marti qaaday iyo 50 Xubnood oo ergo ah oo dalka dibadiisa laga marti qaaday waxaase intaasi dheer ilaa 70 xubnood oo ka qaybgalayaal ah oo iyaguna dalka iyo dibada ka kala yimid.

21Ergada iyo ka qaybgalayaasha shirkan oo isugu jira Nabadoonada, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, Ganacsatada, Dhalinyarada, Culima’udiinka, Haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada waxay ka kala yimaadeen gobollada dalka Soomaaliya iyo Wadamada Caalamka meelo bada oo ka mid ah waxaana aad loogu lafagurayaa shirweynahan qodobo muhim ah oo la xiriira horumarinta iyo isku duubnida Umadda.

DSC01305Inta shirweynahni uu socdo waxaa aad loogaga hadlayaa ajandayaashiisana ka mid ah arrimaha horumarinta, Caafimaadka Waxbarashada, Nabadaynta iyo Midaynta bulshada, xalinta Khilaafaadyada jira ka qayb qaadashada waalaynta iyo isku soo dumidda umada Soomaaliyeed, hanashada iyo ka dhabaynta wax wada qaybsiga umadeed, dareensiinta umada midnimada diineed, talo wadaan iyo qodobo kaloo farabadan oo dhamaantood horseedaya helitaanka bulsho dhiirran oo Niyaad ahaan iyo muuqaal ahaanba caafimaad qabta.

DSC01482Hawl-kooxeed 6Shirweynahan wada tashiga ah intii uu socday waxay ergada iyo ka qaybgalayaashu aad uga doodeen qodobadan iyo kuwo kaloo farabadan waxaana doodii shirkan ka soo baxay aragtiyo muhim ah oo iftiiminaya maqaamka umadeed iyo mustaqbalkii Soomaalinimo.

Intii lagu guda jiray doodaha qodobada Shirweynahan ee Ergada iyo ka qaybgalayaasha waxaa jiray hawl-kooxeedyo si wada jir ah koox koox loogaga doodayo qodobada qaarkood kadibna doodii mugga weynayd la isugu soo laabanayay.

10Shirku wuxuu xaruntan Muuqaalka qurxoon ee Beesha FIQI XIRSI ay ka yagleeshay Baliga JEEDALOW oo 9KM u jira magaalada Bacaadweyn ka socdaa labada galin ee maalinta iyadoo si qoto dheer qodobada loo falanqaynayo, waxaana ergada iyo ka qaybgalayaasha ka mid ah rag aqoonyahano ah oo khibrad dheer u leh arrimaha bulshada, magac iyo maamuusna ku dhex leh Umada Soomaaliyeed.

DSC01503Beesha FIQI XIRSI waa beel magac ahaan aad looga yaqaano wadanka Soomaaliya iyo daafaha Caalamka, waxaana ka dhashay oo ka soo jeeda rag aqoonyahano iyo Siyaasiyiinba leh oo Caan ah taariikh dheerna ku dhex leh Umada Soomaaliyeed iyo Deegaanka Soomaaliyeedba, waxaana la filayaa shirkan in ay ka soo baxaan qodobo muhim ah, ku dayasho mudan oo si wanaagsan u muujinaya Ilbaxnimadii Beeshan lagu yaqaanay dhaxalgalna u noqon kara hagaajinta Mustaqbalka guud ahaan Umada Soomaaliyeed.

Sawiro Kale

1 2 3 4 5 6 7 9 10 11 12 13 14 15 16 18 19 20 21 23 DSC01221 DSC01469 DSC01482 DSC01596 DSC01609 Hawl-kooxeed 1 Hawl-kooxeed 2 Hawl-kooxeed 3 Hawl-kooxeed 6 Hawl-kooxeed 7

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA