BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Kaalinta Bulshadu ku leedahay wacyigelinta burcad-badeeddnimada

January 29, 2012 6:02 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Kaalinta Bulshadu ku leedahay wacyigelinta burcad-badeeddnimada

Burcad-baddeednimadu waa mid ka mida danbiyada ugu facaweyn ee dunida soo mara, laga bilaabo qarnigii 6aad illaa manta oo la joogo qarnigii 21aad. Haddaba maqaalkan waxa uu falanqaynayaa in burcad-baddu tahay khatar ku fool leh bulshada Soomaaliyeed iyo gabi ahaanba bulshada caalamka. In ay mudantahay in bulshada qudheeda  iska wacyigeliso kana feejignaato hagardaamooyinka burcad-badeedda, taasoo waxyeelaynaysa  naftooda, khayraadkooda, ganacsigooda, amnigooda, dhaqankooda, iyo dhaqaalahoodaba. i.w.m.

Bulshada waxay mudantahay in ay iska kaashadaan waxyaabaha ayaga khatarta ku ah, si ay uga bad-baadaan una suurtagasho nolol ka hufan dhib iyo dhac. Bulshadu waa dhibanaha koowaad ee burcadu wax yeelayso waxaana ka mida dhibaatooyinka ay u gaystaan, sida kalluumaysatadii oo ay soo foodsaartay cabsi iyo khatarba, jariifkii oo sii siyaaday,dhalinyaro baddan oo ka dhacday noloshii, iyo dhibaatooyinkaloo baddan.

Haddaba waxaa muhiim ah in bulshadu iska wacyigeliso dhibaatada ay leedahay burcad-baddeednimada isla markaasna ogaadaan in khatar aan la soo koobikarin ay leedahay oo ay ka mid tahay in ayba adkaato in wadanka uu ganacsiga, taas oo macneheedu tahay in waxna aysan ka bixi,waxna soo galin. Haddaba si looga hortago waa in bulshada qaybaheeda kala duwan, ayna ka qayb qaataan wacyigelinta sida; odayaasha iyo indheergaradka,cullumaa’udiinka, aqoonyahanada, waalidiinta, macalimiinta, ardada/dhalinyarada, i.w.m.

 Iyadoo qaybkasta ay isticmaalayso kaalinteeda. Tusaalle ahaan odayaasha iyo indheergaradkuba in ay ka shiraan sida ay ka yeelilahaayeen dhibaatada burcad-badeedda.

Waxaana haboon in aysan bulshadu burcad-badeedda la wadaagin wax ganacsi iyo wax isdhaafsiba, si loo faquuqo burcad-badeedda una dareemaan in ay ka baxeen bulshada

Maqaalkan waxaa soo diyaarshay PDRC oo gacan ka helaysa UNPOS, waxaana soo gudbiyay Puntlandpsot.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA