BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

KHARTUUM: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo kulamo la qaatay Madaxda Suudaan (Sawiro)

January 2, 2013 11:42 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Khartuum: (pp)-  Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo booqasho ku jooga Sudaan ayaa maanta waxeey la kulmeen Madaxweynaha Sudaan Mudane Cumar Xassan Al-Bashiir iyo golahiisa Wasiiradda.

IMG_0382Safarkaan uu Madaxweynaha ku joogo Sudaan ayaa qeyb ka ah safaro Madaxweynaha uu ku marayay dalalka Geeska Afrika dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay. Safaradaan ayaa waxaa lagu xoojinayaa xiriirka Soomaaliya iyo dalalka ku yaala Geeska Afrika.

IMG_0383Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka reer Sudaan sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen wafdiga Soomaliya. Sidoo kalena ku aamanay horumarka ay Sudaan gaartay oo ay ka mid tahay biyo xireenka Damazin ee ku yaala gobolka Blue Nile.

IMG_0385Ugu danbeyntii ayaa labada Madaxweyne waxey la hadleen saxaafadda kuna war-geliyeen in ay ka go’an tahay xoojinta labada dal.

IMG_0374Dhanka kale Wafdigan uu Madaxweynaha hogaamniyo ayaa maanta la kulmay arday Soomaaliyeed oo jaamacado ka dhigta Sudaan. Wuxuuna u sheegay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heystaan kuna wargeliyay Soomaaliya in ay ayaga ay sugeyso loogana fadhiyo in ay dalka dib ugu soo noqdaan.Madaxweynaha ayaa uga digay ardayda in aysan tahriibin oo ay badda ku dhamaan ama dhulka lama dagaanka ah, kuna cel- celiyay in dalkooda wax u dhaamo aysan jirin.

Ugu danbeyntii ayuu ku wargeliyay in ardayda ilaaliso sharciyadda dalka Sudan iyaga oo dhowrayo sharaftooda iyo dhamaan tan ummadda Soomaaliyeed.

Isha Warka: Xafiiska Madaxweynaha

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA