BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

KISMAAYO: Amaanka Magaalada Kismaayo oo siweyn loo adkeeyey ka hor Shirka Beri ka furmi doona Magaaladaasi.

February 22, 2013 4:08 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Kismaayo: (pp)- Waxaa ka socda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose oo u Beri ka furmi doono Shirweyne Maamul loogu dhisaayo Gobalada Jubbooyinka hawlgalo balaaran oo lagu xaqiijinaayo amaanka Magaaladaasi, Hawlgaladan oo Saakay oogii Waaberi ka bilowday Magaalada ayaa waxaa lagu qabqabtay dad  tira badan oo looga Shakiyey inay maleegaayeen falal ka dhan ah amaanka Magaalada iyo gaar’ahaan Shirka Beri furmi doona.

Amaanka Kismaayo oo la adkeeyey.

Amaanka Kismaayo oo la adkeeyey.

Hawlgaladan ayaa waxaa wada Ciidamada huwanta ah ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo waxaana siweyn loo arkaayey ciidamada oo baaritaano kawada xaafadaha Magaalada Kismaayo isla markaana taagan wadooyinka Magaalada waxayna guriguri uu baaraayeen guryaha Magaalada, Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo Magaalada laga fuliyo tan iyo markii Magaalada laga saaray kooxda Al-shabaab.

Hawlgaladan ayaa naloo xaqiijiyey in lagu qabtay Hub iyo Walxaha qarxa, kuwaas oo iminka lagu hayo Saldhigyada ciidamada ee Magaalada Kismaayo iyaga iyo Dadkii lagu qabtay, Waxaana muuqata in siweyn loo adkeeyey amaanka Magaalada Kismaayo ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin shirka Beri ka furmi doona Magaaladaasi.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay ugu goodisay inay is hortaagi doonto qabsoomida Shirka Maamulka loogu dhisaayo Gobalada Jubbooyinka hase ahaate Maamulka Magaalada ayaa wacad ku maray inay gacan adag ku qaban doonaan cid kasta oo xiriir laleh kooxda Al-shabaab oo horay looga fara maroojiyey gacan ku haynta Magaaladaasi.

Dhanka kale Waxaa maalinta Beri ah Magaalada ka furmi doona Shirweyne Maamul loogu dhisaayo Gobalada Jubbooyinka waxaana Mgaaaladaasi gaaray dhamaan ergadii ka qayb geli lahayd Shirka Maamul u samaynta Jubbaland iyadoo hawlaha Shirkan siweyn looga dareemaayo Magaalada Kismaayo.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA