BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

KISMAAYO: Maamulka Magaalada Kismaayo oo Dawlada Federalka ah ugu baaqay inay taageerto maamul u samaynta Jubbaland.

February 21, 2013 4:42 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxaa kusoo qulqulaaya ergada ka qayb galaysa Shirka Maamul u samaynta  Gobalada Jubbooyinka & Gedo, Kuwaas oo iskaga kala imaanaaya Gobalada Maamulka Loo samaynaayo,Qurbaha iyo Weliba Gobalada kale ee Dalka Soomaaliya,

C/naasir Seeraar & Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe & C/naasir Seeraar

C/naasir Seeraar oo ah Afhayeenka Maamulka iminka ka arimiya Magaalada Kismaayo oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay hawshu iminka marayso meel aad u wanaagsan wuxuuna xaqiijiyey inay ergadii ay iminka soo gaartay Magaalada Kismaayo uuna maalmahan si rasmi ah u furmi doono shirka Maamul u samaynta Jubbaland, Seeraar ayaa tilmaamay inay dadka Jubbaland ay siweyn ugu qanacsan yihiin Shirrkan Maamulka loogu samaynaayo Gobalada Jubbooyinka wuxuuna sheegay ergada ka qayb galaysa shirka maamulka lagu dhisaayo inay ka imaan doonaan dhamaan Gobaladda Maamulka loo samaynaayo sida qabaailka iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Dhanka kale C/naasir Seeraar ayaa Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey inay dabada ka riixayso shaqsiyaad ku hawlan inay is hortaagaan Maamulka Jubbaland isagoo ugu baaqay Dawlada Soomaliya inay taageerto Maamul u samaynta Jubbooyinka ayna ka fogaato wax kasta oo carqalad ku furi kara Maamulka laga dhisaayo Gobaladda Jubbooyinka, Seeraar ayaa sheegay inaysan jiri karin cid is hortaagi karta Maamulka Jubbaland wuxuuna meesha ka saaray in dib u dhac ku yimaado Shirweynahan.

Gobalada Jubbooyinka ayaa lagu tilmaamaa meelihii ugu dhibtaa badnaa dalka Soomaaliya, Waxaana Gobaladan soo maray xaalado aad u adag walow ay iminka muuqato in dib loo yagleelaayo maamul Dawladnimo oo ka hirgala Gobaladaasi, Waxaana Magaalada Kismaayo kusoo qul-qulaaya ergooyin ka kala yimi degaano kala gedisan iyadoo Magaalada laga dareemayaa camirnaan aad u weyn.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA