BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

KISMAAYO: Magaalada Kismaayo oo ammaankeeda la xoojiyey

December 7, 2012 1:17 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Kismaayo: (pp)-  Magaalada Kismaayo ayaa ammaankeeda aad loo xoojiyey kaddib markii laga warhelay inay magaalada ay soo galeen kooxo ka tirsan Al-shabaab oo doonayey inay howlgalo ay ka sameeyaan guddaha magaalada Kismaayo.

Ammaanka magaalada Kismaayo oo la adkeeyey

Ciidamada dowlada & kuwa Kaanbooni iyo AMISOM ayaa aad indhaha ku haya dhaqdhaqaqa magaalada , si ay ulla socdaan arrimaha dhanka ammaanka ee magaalada Kismaayo.

Shaqsiyaad lagu sheegay inay horay uga mid ahaan jireen Al-shabaab oo dhuumasho ahaan ku joogay magaalada ayaa lagu soo qabqabtay Xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, kadib markii ay dadka magaalada kunool ay soo wargeliyeen ciidamada ammaanka.

Magaalada Guddaheeda ayaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqa ciidamada ,kuwaas oo baaritaano ka wada goobo cayiman oo looga shakisan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab , kuwaas oo magaalada ay u joogaan caruur ay dhaleen Xaasaskoodii.

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa ammaan xoogan oo shacabku dareemayaan  tan iyo intii magaalada laga saaray xoogagii Alshabaab oo magaalada ka talin jiray Sanado dhowr ah.

Puntlanpost, Kismaayo, Soomaaliya

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA