Kismaayo: (pp)- Sida ay noo xaqiijiyeen xubno katirsan Gudiga farsamada ee Shirka Maamul u samaynta Jubbaland oo lagu wadey inuu maanta ka furmo Magaalada Kismaayo, Waxaa Shirkaasi dib loo dhigay mudo 5-maalmood ah kadib markii ay soo daaheen qaar kamid ah ergadii ka imaan lahayd Gobalka Gedo, Wax Jawaab ahna laga waayey Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo lagu wadey inay Shirkan rasmiyan u furto.
Waxaa Magaalada Garbaahaarey ee Gobalka Gedo ku sugan qaar kamid ah Guddiga loo xil saaray qabanqaabada Shirka Maamul u samaynta Jubbaland waxaana la filaaya in iyaga iyo ergada ka imaanaysa Gobalkaas ay saacadaha soosocda soo gaaraan Magaalada Kismaayo, Dhanka kale waxaan weli wax jawaab ah laga hayn Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya oo ay Guddigu u direen waraaqo casumaad ah si ay Shirka u furaan, Lamana garanaayo asbaabaha ay Dawladu uga dhega xiratay Shirkan Maamulka loogu dhisaayo qayb kamid ah Dalka ay Dawlada u tahay.
Guddiga Farsamada ayaa sheegay inay Shirkan dib u dhigeen iyagoo tixgelinaaya Dawladnimada Soomaaliya kana war dhawraaya Jawaabta Dawlada si ay cid furta Shirka ugu soo dirto Magaalada Kismaayo waxayse ku adkaysteen inuu Shirkani furmi doono tobaadkan dabayaaqadiisa.
puntlandpost.com