Kismaayo: (pp)- Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose si habsami leh uga socda u diyaar garowga Shirweynaha Maamulka loogu dhisaayo Gobalada Jubbaland, Shirkan oo si rasmi ah u furmaaya 23-ka Bishan oo ah maalinta Berito ah ayaa waxaa ka qayb geli doona ergooyin gaaraaya 500- oo qof.
Waxay wararku sheegaayaan inay Magaalada Kismaayo ku diyaarsan yihiin inta badan ergadii ka qayb geli lahayd Shirkan, Waxaana Magaalada laga dareemayaa qabanqaabada loogu jiro qabsoomida Shirka Maamul u samaynta Jubbaland, Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmahanba siweyn ugu qulqulaayey ergooyin fara badan oo ka kala imaanaayey Gobalada Maamulka loo dhisaayo, Qurbaha, iyo weliba Gobolada kale ee Dalka Soomaaliya.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyey inuu Shirkani ka furmi doono Jaamacada Magaalada Kismaayo oo ay iminka degan yihiin qaar badan oo kamid ah ergada ka qayb galaysa Shirweynahan, Qaar kamid ah Guddiga qabanqaabada ayaa gaaray Degmooyinka Gobalada Maamulka loo dhisaayo sida Jubbada Hoose,Jubadda Dhexe iyo Gedo iyago dadweynaha uga waramaaya Shirkan kuna qancinaaya inay ka qayb qaataan Maamulka loo dhisaayo Gobalada Jubbooyinka.
Dadweynaha ku dhaqan Gobalada Maamulkan loo dhisaayo ayaa si farxadi ku dheehan tahay usoo dhaweeyey dhisitaanka Maamulka Jubbaland walow ay jiraan Shaqsiyaad tiro yar oo siyaabo kale u diidan Maamulkan kuwaas oo la sheegaayo inay dabada ka riixaayaan Siyaasiyiin iyo Nidaamyo kale oo diidan Maamul ka hirgala Gobaladaasi hase ahaate dadka degaankaasi ayaa sheegaaya inaysan cidna udaba fariisan doonin arimahooda Maamul.
puntlandpost.com