BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

LONDON: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo gaaray London

February 1, 2013 8:02 am GMT - Written by PP - Edited by PP
Print Print

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay.” Cilaaqeed-keenii jiray ayaan rabaa in-aan dib u soo celino”Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska .

Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka

Isha Warka: Xafiiska Madaxtooyada DF ee Soomaaliya

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA