BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

LONDON: Ururka Sahal oo bayaan kasoo saaray arimo muhiim ah

February 1, 2013 12:03 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Horudhac

Ururka Sahal ka dib markii uu falanqeyn, dib u eegis ku sameeyey hadalkii suma-salaaxa ahaa ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu dhowaan ka jeediyey wadanka Maraykanka, waxaa lama huraan noqotay in ururka Sahal uu ummada Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo horumarka inuu u cadeeyo siyaasada hagardaamada xambaarsan  ee xisbiga madaxwaynuhu horseedka ka yahay. Aragtidan waxay u kala baxaysaa dhowr qaybood oo kala ah:

1. Ku xadgudubka Sharciyada Fadaraalka ee dalka u degsan

Ururka Sahal waxuu walwel ka muujinayaa madaxwaynaha iyo wasiirada oo aad moodo inaysan diyaar u ahayn inay ummadda Soomaaliyeed ku hagaan nadaamkii iyo dastuurkii lagu soo dhisay dawlada Fadaraalka ah ee Soomaaliya. Waraysi ay 17/1/2013 ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya idaacadda VOA-da ee afka Soomaaliga ku hadasha ayuu si toos ah u diiday dastuurka Federaalka ee Soomaliya loo sameeyey isaga oo ku bilaabay hadalkiisa jamhuuriyadda soomaaliya afkiisana ka dhowray in uu yiraahdo Jamhuuriyadda Federlaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaan ummadda Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigaynaa warqad qarsoodi ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha oo sumadeedu ahayd JS/XM/033/1/2013  oo ku socotay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxuu si cad ugu sheegay inaan wax mucaawino ah la siin karin maamulada dalka ka jira sida Puntland iyo Somaliland. Sidoo kale, waxaa istaambada ama shaambada warqada lagu dhuftay waxaa ku qoran ‘Jamhuuriyada Soomaaliya’ waxayni ka markhaati kacaysaa in madaxwayne uu madaxwayne u yahay sida dawlad jirtay 1960 waxaana muuqata in xiligan la joogo ee 2013 in madaxwaynaha iyo dawladiisu aysan aaminsanayn dastuurka dalka loo sameeyey isla markaasna uusan diyaar u ahayn inuu fuliyo nidaamkii iyo dastuurka ay ku heshiishay ummadda Soomaaliyeed. Hoos ka eega  warqada madaxyanaha oo ay ku qoran tahay Jamhuuriyada Soomaaliya

Shaambada ku qoran warqadan waxay waxay ififaalo ka bixineysaa aragtida rasmiga ah ee madaxweynaha oo markani uu muuqda in uu doonayo in uu ka laabto nidaamka federaalka ah ee lagu soo dhisay dawladan.

2. Kala hadalka madaxwaynaha iyo arimaha Jubbooyinka

Hadalada kasoo yeeray madaxwaynaha markii uu 17/1/2013 uu wareysi khaas ah siinaayey idaacada Soomaali VOA waxaa hadalkiisa ku cad inuusan dhexdhexaad u ahayn shacabka Soomaaliyeed, waxaa kale oo Madaxweynaha ka muuqato in uu waligiisba uu aaminsanaa in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo waligoodba in ay deg degaan uu ku yaqaannay oo aan u aragno inuu ula jeedo dadka kasoo jeeda deegaamada Puntland iyo Jubbaland. Hadalada kale ee Madaxweynaha uu sheegay waxaa ka mid ahaa “geedkii orod lagu fuulo orod baa looga soo degaa”  Hadalkani waxuu u muuqday mid cabsi galin iyo cagajugleen ah oo macnaheedu yahay haddii aanan aniga wax idiin yeerinin waxaad u diyaar-garoowdaan dagaal iyo dhibaato. Waxyaalaha la yaabka leh ee la is weydiin karo waxaa ka mid ahaa gobolada dalka intooda badan waxaa ka jiro diyaargarow loogu jiro in maamulo ay samaysataan sida gobolka Bay oo goor horeba la bilaabay qabanqaabadii maamul u samaynta, Madaxweynah arrintaas ma aanu soo qaadin ee waxaa uu diiradda saaray maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, madaxwayne Xasan Shiikh mar la weydiiyey maxaad kala socotaa shirarka maamul u samaynta ee gobolada Jubbooyinka oo ay taageerayso IGAD waxuu Madaxweynuhu si quursi iyo xanaaq ku jiro u yiri dadkaas aad sheegayso iyo IGAD waxbo ma dhisi karaan “waxaana jiro kuwo been loo sheegay oo lagu yiri IGAD ayaa wax idiin dhisayso”  Sidoo kale waxuu madaxwaynuhu intaas sii raaciyey “waxaan u digaynaa kuwo waligoodba degdegsan oo awood wax ku raadinayo ama si power ah wax u doonaaya” Waxyaalaha kale ee yaabka leh ee Madaxweynaha afkiisa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa “sharuucdii dastuurka wali ma habaysna oo hadda ayaan diyaarinaynaa” Hadalkan waxaan u aragnaa in madaxwaynuhu uga jeedo lama isticmaali karo dastuurka hadda diyaarka ah oo asaga lagu soo doortay, waxuuna doonayaa inuu isaga iyo xisbigiisu ay jeebka kala soo baxaan dastuur ka tarjumaaya dantooda khaaska ah.

Dhinaca kale, khudbadii madaxwaynuhu ka jeediyey Minnesota waxuu inkiray inuu yiri dadka reer Bay iyo Baladwayne ha dhistaan maamul ay raali ka yihiin. Halka gobolada Jubbooyinka ay dawladu u magacaabi doonto maamul ku meel gaar ah, waxuuna madaxwaynuhu yiri “Been fakatay run ma gaarto… ma jirto meel aan ku iri aniga ayaa maamul u samaynaaya gobolada Jubbooyinka”  Hadaba waxaa halkaa nooga muuqata inuusan kalsooni ku qabin hadalkii uu 13/10/2012 jeediyey halkaasoo si cad uga sheegay in dadka Baladwayne iyo Baydhabo loo samayn doono maamul ay dadku soo doortaan halka gobolada Jubbooyinka ay dawladu u samayn doonto maamulo ku meel gaar ah.

3. Mudaharaadkii MIN ee madaxwaynaha lagala hortagay

Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa mudaharaadkii dadka Soomaaliyeed ay ka hor-dhigeen

Minnesota Convention Centre kaasoo looga soo horjeedo hogaaminta iyo hab dhaqanka madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud. Sidaan la socono shacabka sharafta leh ee mudaharaadka ka sameeyey magaaada Minnesota waxay ka cabanayaan in aanu madaxweynaha Soomaaliya uusan diyaar u ahayn in la dhaqangeliyo dastuurkaan Federaaka ah ee Soomaaliya waayo waxaa uu mar walba kusoo celceliyaa in baarlamaanku uu diyaarinaayo sharuuc taas oo uu ula jeedo in uu shacabka Soomaaliyeed gabi ahaantoodaba uu hilmaansiiyo wax la yiraahdo dastuur federaali ah isla markaasna uu dadka ku maaweeliyo xeerar iyo sharuuc ayaa la samaynayaa si uu waqtiga u lumiyo.

Waxaan bogaadinaynaa dadka reer Minnesota oo u badan dadkii Soomaaliya uga soo cararay dagaalada sokeeye iyo dhibaatooyinkii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay sida sharafta leh ee ay cabireen dareenkooda isla markaasna ay u muujiyeen sida ay diidan yihiin farogalinta madaxwaynuhu ku hayo arimaha gobolada Jubbooyinka iyo dhaqangelinta dastuurka fadaraaliga ah ee lagu soo doortay dawlada hadda jirta.

4. Qaadiska cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya 

Ururka Sahal waxuu si cad uga soo horjeedaa in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee 1992 la saray Soomaaliya. Sababo aan loo qaadi karin cunaqabaynta hubka waxaa ka mid ah:

I. In aysan gaarin xiligii laga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka;

II. In aysan lahayn ciidan Dowladeed, balse ay haystaan oo kaliya ciidan beleedyo si toos ah iyo si dadbanba u hostaga qabaa ’ilo gaar ah;

III. In magaalada Muqdisho laga dhigo magaalo u dhaxaysa dhammaan beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la soo celiyo hantidii iyo guryihii xoogga lagu qabsaday 1991.

5. Xalaalaynta hantida ummadda Soomaaliyeed looga haysto caasimadii hore ee Muqdishu

Ururka Sahal waxuu aad ula yaabay markii uu madaxwaynuhu si cad u yiri halaga samro guryihii iyo hantidii beeshiisu si xaqdarro ah 1991 ku qabsatay magaalada Muqdishu iyo qaybo badan oo ka mid ah gobolada koonfureed. Hadalka madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa ” Yaan la isku mashquulin hadalada ah w aa tii nala barakiciyey waa tii guryaha nala ka dhacay waa tii baabuurta nala ka dhacay…. waxaas ha la iska iloobo oo hore ha loo socdo”.

Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si adag u cambaaraynayaa in madaxwaynuhu si cad raali uga noqdo dadka beeshiisa ka mid ah oo 1991 boobka iyo xaaraanta ku qabsaday hantii shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed ay ku lahaayeen. Dhinaca kale, mar madaxwaynuhu la hadlaayey dadka reer Minnesota waxuu madaxwaynuhu si mas’uuliyad darro ah u sheegay inuusan aqbali karin horumar ay gaaraan gobolada qaarkood sida Puntland waxuuna yiri “ma aqbali karno in reer ah ama gobol gaar ah uu guulaysto Soomaalida inteeda kalena ay fashilanto waana soo taabanay natiijadeeda” Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu madaxwaynaha ugu baaqayaa in madaxwaynuhu si cad u sheego inuu aaminsan yahay fikirka ah in laga bilaabo 1991 beeshiisu ay xoog iyo boob ku haysato hanti ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed.

6. Talobixin ku socota madaxwaynaha iyo madaxda dawlada Soomaaliya

Mudane madaxweyne isku day in aad soo dhaweyso gobolada iyagu doonayaa in maamulkooda sameystaan, sidoo kale kuwa u baahan in la garab galona isku day in aad hiil iyo hooba la garab istaagto. Waxaan kuugu baaqaynaa in waqtigan xasaasiga ah ee la joogo inuu u dhaqmo inuu yahay astaan qaran isla markaasna uu faraha kala baxo hawlaha wasiirada sida inuu yahay mid ka mid ah wasiirada arimaha dibada, maaliyada, arimaha gudaha ama af-hayeenka dawlada fadaraalka Soomaaliya.Isla markaasna waa inuu madaxwaynuhu iska ilaaliyaa hadal, dhaqan ama wax kasta oo abuuri kara shaki iyo kalsooni darro.

Ugu danbayntii, waxaan madaxwaynaha, dawlada iyo Baarlamaanka dawlada fadaraalka ah waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan kuna dhaqmaan dastuurka Federaalka, dalka u qaybiso taageerada barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta wadanka horumarinta dhaqaale oo wadamada caalamku Soomaaliya ku siiyaan magaca dalka Soomaaliya.  Sidoo kale madaxda dawlada intii ay isku mashquulin lahaayeen arimaha gobolada Jubbooyinka, waxaa looga fadhiyaa inay culayska saaraan fulinta barnaamijyada tixgelinta 1aad u baahan ee ka ku xusan dastuurka kuwaasoo kala ah:-

1. taageerista dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaaya Fedeeralka Soomaaliya,

2. taageertist dib u heshiisiin heer Qaran.

3. In la dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah maamul goboleedyada xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo,

4. in la dhiso ciidamo qaran kuwaasoo laga soo aruuriyo dhammaan beelaha Soomaaliya ka kooban tahay.

Wa billaahi towfiiq

Warsaxaafadeedkan waxaa soo saaray ururka Sahal Organisation, London

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA