BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

LONDON: Ururka Sahal oo xaflad soo dhowayn ah u sameeyey wasiirkii hore Dastuurka DFK

January 2, 2013 11:32 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

London: (pp)-  London UK : Ururka Sahal ayaa asagoo kaashanaaya qaar ka mid jaaliyada Puntland waxuu xaflad si wayn loo soo agaasimay magalaada London ugu qabtay wasiirkii hore Dastuurka DFK Dr Abdirahman Hosh Jibril. Ujeedada xafladu waxay ahayd in Av.Abdirahman Hosh Jibriil looga mahadceliyo hawshii qiimaha iyo sharafta badnayd ee ka qabtay isku dubaridka iyo dastuurka dawlada Fadaraalka Soomaaliya iyo meelmarinta Tubta nabada Soomaaliya (Somalia Road Map). Waxaa Xaflada marti sharaf ahaan loogu casuumay oo si wayn xaflada uga soo qaybgalay jaaliyada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo Av. Abdirahman Hosh Jibriil uu kasoo jeedo. Sidoo kale waxaa xaflada kasoo qaybgalay aqoonyahano, odayaal dhaqameed iyo dadwayne farabadan oo ka socday guud ahaan gobolada Soomaaliya.

20121231_224746Av. Abdirahman Hosh Jibriil ayaa xaflada kasoo jeediyey warbixin guud oo aad u qiimo badan waxuuna sawir guud ah ka bixiyey marxaladihii ay soo martay marxaladihii ay soo martay Tubta nabada Soomaaliya (Somalia Road Map) iyo samaynta dastuurka lagu soo dhisay dawlada fadaraaliga ah ee Soomaaliya. Av. Abdirahman Hosh Jibriil waxuu sidoo kale ka hadlay arimaha fadaraalka Soomaaliya iyo waxyaalaha looga baahan yahay in jaaliyada dibadu looga baahan inay dawlada gacan ka gaystaan horumarinta dadka iyo dalkoodii hooyo. Qaar ka mid ah dadwaynihii shirka kasoo qaybgalay ayaa Av. Abdirahman Hosh Jibriil waydiiyey su’aalo kala duwan si aad u hufan ayuuna uga jawaabay su’aalaha la waydiiyey.

20121231_205757Xubnihii ka hadlay xaflada waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka ururka Sahal, Xirsi Muuse Xirsi, Maxamed Cali Madhoodhe, Cabdideeq Shire, Dr. Cabdiraxmaan Cunaaye, Cumar Dheeman, Muna Diyaana, Cabdi Xuraashow iyo Cabdulqaasim Mohamed Xasan (Dhegowayn). Ugu danbayntii xafladu waxay kusoo dhammaatay si habsamid iyo hufnaan ah.

Sawiro kale

20121231_21410020121231_22544420121231_22485920121231_21212620121231_21075520121231_20575720121231_22474620121231_234103

London UK

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA