BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

LUSAKA: Masaajidka AL-Ummah oo heer gabo gabo ah Maraya (Sawiro)

January 29, 2013 10:50 am GMT - Written by PP - Edited by PP

ALLAAH fadligiisa waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismihii Masaajidka AL-UMMAH waxaana hada ku socda shaqooyinkii ugu dambeeyay.
 
Masaajidka AL-UMMAH Waxaa laga dhisayaa Caasimada dalka Zambia ee Lusaka waxaana laga dhex dhisayaa Xarunta wayn ee AL-UMMAH oo ah xarun ay jaaliyada somaaliyeed ku leedahay magaalada Lusaka, waxaana ka faa,idaysta jaaliyada  wadanka ku nool gaar ahaan wax barida jiilka soo koraya ayada oo kulmisatay qaybaha kala duwan ee waxbarasho sida School nidaami ah laga bilaabo fasalka ama qaybta xanaanada caruurta ilaa fasalka 11aad ee Dugsiga sare, waxaa kale oo galinka dambe looga faa,idaystaa in lagu baro Caruurta Qur,aanka kariimka ah iyo tarbiyada islaamiga ah,  waxaa ayaguna duruus joogta ah ku qaato xarunta dumarka iyo hoyooyinka, 
 
13122012014Sidoo kale waxaa isla xarunta ku dhex yaal guryo ay daganyihiin Macalimiitna wax ka dhigta Madaarista AL-UMMAH iyo guryo kiro luugu jiro, waxaa markazka AL-UMMAH lagu tukadaa ciidaha, Xaruntaan waxaa dhagax Dhigay Sh Maxamed Cabdi Umal, Xafidahullaah Sanadkii 2003.

13122012012Hada sida aan horay u xusnay  haduu ALLAAH idmo waxaa bilaha soo socda la furayaa Masaajidka AL –UMMAH oo dhismihiisa la bilaabay sanadkii 2010 bishii may waxaa Masaajidka lacagtii u horaysay u aruurshay oo dhagax dhigay Sh Maxamed Idris Xafidahullaah, Masaajidku Wuxuu ka kooban yahay qaybta ragu ku tukadaan iyo qayb sare oo loogu tala galay inay dumarku ku tukadaan waxaa hal mar ku tukan kara ugu yaraan 1000 qof 2da qaybood, waxaa kale oo ku yaala isla qaybta sare 3qol oo loogu tala galay maktabad iyo xafiisyo xaruntu leedahay hadase looga faa,idaysto dhinaca wax barashada,  Waxaa isla Dhismaha Masaajidka ku dhagan qayb loogu talagay in maytka lagu dhaqo oo ayada hada la dhamaystiray lana isticmaalo.
 13122012004Masaajidka AL-UMMAH marka la furo waxaa la rajaynayaa inuu ka mid noqdo Masaajidda ugu waawayna ee ay somalidu ka dhistay wadamada qurbaha  Gaar ahaan Afrika, Waxaa sanadkaan xarunta booqasho dacwadeed ugu yimid culimo badan oo uu ka mid yahay Fadiilatu Sh Abdiqaadir Nuur faarax Xafidahullaah Wuxuu aad u amaanay dadaalka wayn ee loo soo maray in la helo meel ubadka wax lagu baro jaaliyaduna, isku aruursato iskagana war hayso,
Waxaa ka mid ahaa culimadii Sanadkaan soo booqday Xarunta Sh Maxamed Shaafici, Sh Xuseen Cigaal Caashuur, Sh Fu,aad Maxamuud Xaaji nuur, Sh Abdisamad Xoday, Sh Abdiraxmaan Cadaani, Sh Mawliid Abdiraxmaan Xafidahumullaahu jamiican min kulli makruuh iyo Culimo kale, oo dhamaantood ka soo jeediyay muxaadaraat iyo duruus kana  bixiyay talooyin wax ku ool ah.

 Abdisalan F Gas

Lusaka – Zambia

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA