BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeyey geeridii Suldaan Cabdi Cali Sonkor

January 31, 2013 7:07 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Dowladda Puntland iyo magaca Shacabka Reer Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Ehelladii, iyo dhammaan shacabka gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, oo aan uga tacsiyeynaayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Suldaan Cabdi Cali Sonkor, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee beelaha degan gobollada Jubbooyinka oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee¨dalka Kenya.

 

Dowlada Puntland oo ka tacsiyeysay Geeridii Suldaan Sonkor

Dowlada Puntland oo ka tacsiyeysay Geeridii Suldaan Sonkor

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, Ehelladiisii, Asxaabtiisii iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed-na ka siiyo Samir iyo Iimaan. Aamiin.    Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole)Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Isha Warka: Madaxtooyada Puntland

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA