Mali: (pp)- Af-hayeen u hadlay dowlada Faransiika ayaa saxaafada u sheegay in ay iska caabin xoogan kala kulmeen xoogaga Islaamiga ah ee ka dagaalama dalka Mali, kuwaas oo doonaya buu yiri in awooda dalka Mali ay gacanta u gasho.
Af-hayeenka ayaa hadalkiisa ku daray in dhaawac xoogan ay gaarsiiyeen dagaalyahanada ka soo horjeeda dowlada Mali, waxuuse qiray dhanka kale in ku dagaalayaan hubab casriya, isla markaana ayna yihiin kuwo aad u tababaran.
Dowlada Faransiiska waxay sheegtay oo kale in hubabka ay isticmaalayaan xoogaga diimaha ee dalka Mali ka dagaalamaya in ka heleen dalka Liibiya, hubkaas oo ah mid casriya.
Dagaaladaas ayaa waxaa ka qayb qaadanaya oo kale dalal badan oo Afrikaan ah oo ka mid yihiin Nejar, Burkina Faso, Nigeria iyo dalka Togo, waxaana ciidamadaas taageeraya oo kale dowlada Maraykanka oo ka taageeraya dhanka gaadiidka iyo arrimaha Caafimaadka.
Dagaaladaas ayaa intii ay socdeen waxa ay dowlada faransiiska uga dhintay sidda ay sheegeen 1 duuliye oo diyaaradaha dagaalka ah iyo 11 ciidamadooda ah, halka tiro badan oo xoogaga Islaamiga ah ay aan cadad lahayn ay sheegeen inay dileen.
Dowlada Faransiika ayaa Shir deg deg isugu yeertay ururka ammaanka ee Qaramada midoobay , kuwaas oo ka doodaya siddii Caalamku u taageeri lahaa dagaalka looga soo horjeedo Xoogaga Diimeed ee ka soo horjeeda dowlada dalka Mali, kuwaas oo doonaya inay Xukun Islaamiya ku maamulaan dalka Mali.
Puntlandpost.com