Malmo: (pp)- Jaaliyada somaliyeed ee Hiddo iyo Dhaqan ee magalada Malmo ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ku soo dhaweeyey R/W ku xigeenkii hore Xildhibaan C/wahab Ugaas Xuseen Ugaas Khalif. Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan soomalida degan magaalada malmo Xildhibaanka ayaa laga dhegeeystay warbixin dheer oo taabaneeysay meelo kala duwan sida ka bixitaankii ku meelgaarka caqabadihii la soo maray iyo Waxa la gudboon somslida maanta ka dib ka bixitaankii Kmg .
Waxaa kale oo aydana uu ka war bixiyey waxa maanta soomali looga baahan yahay maadaama oo ku meel gaarkii laga baxay loona baahan yahay in aan la khasaarin fursadii dahabiga aheeyd ee xukuumadii uu ka tirsanaa ay soo qabatay taasoo dhib badan laga soo maray.
Waxaa goobta ka hadlay Aqoonyahano ,Culumadiin ,siyaasiin , dhalinyaro kuwaasoo iskugu jira rag iyo dumar taasoo ay kuligood kaga hadleen sidii loo xoojin lahaa midnaimada soomaliya loona garab istaagi lahaa Dawlada somalya balan qadeen in ay dhaqaale iska ururin doonaan.
Waxeey dhamaan ooga mahad celiyeyeen Raysal wasaare ku xigeenka shaqadii uu soo qabtay asagoo naftiisii u huray Col-Xuseen Afgooye ayaa ka sheekeeyey Taariikhda cabdiwahab ugaas asagoo ku tilmaamay Daacad iyo geesi naftiisii u huray caruurtiisii iyo shaqooyinkiisiina ooga tagay si uu soomali u samato bixiyo. waxaa aydana ka hadlay haween dhaliyaro culumo badan oo reer malmo ah oo aqoon dheer u lahaa cabdiwahab ugaas madaama uu ka tirsanaa jaaliyada reer mamlo.
Intii ay xafladu socotay ayaa waxaa jaaliyada soomaliyeed ee Hido iyo Dhaqan soo bandhigtay waxyaabihii looga bartay sida ciyaaraha dhaqanka ee kala duwan gabyo heeso majaajilo soo jiidatay dhamaan dadkii ka soo qayb galay taasoo ka turjumeeysay dhaqanka soomaliyeed iyo munaasibadii meesha ka socotay.
Raysal wasaare ku xigeenkii hore oo hada ka tirsan Golaha Baarlamanka ayaa u mahad celiyey Jaaliyada Hido iyo Dhaqan iyo Dhamaan dadka Jaaliyada soomaliyeed sida wanaagsan ee aad i soo dhaweeyseen ayuu yiri cabdiwahab ugaas
Gabagabadii xaflada ayaa waxaa jaaliyada soomaliyeed u mahad cesheen jaaliyada Hido iyo dhaqan oo suurta galisay xafaldaa oo dhamaan dadkii ka soo qayb galay ku amaaneen wax qabadka Hido iyo Dhaqan gudigeeda gaar ahaan Gudoomiyaha Mud. Warsame Osman (Kulmiye)
Daawo Sawiro Kale
Farah Yassin Osman