BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Maqaal: Dr. Gaas maahan Roob la dhac maanta timi.

November 7, 2012 11:07 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Waa maxay Roob la dhac? Roob la dhac waxaa la dhahaa Makhluuq/noole aad u qurux badan oo dhulka yimaada xili roobaadka kaas oo midabkiisu casaan yahay inta ka horaysay wakhtiga roobka & kadibna lama arko sidaa darteed baa loogu bixiyey roob la dhac .

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa socdaal ku marayey Deegaanada Puntland Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ugu danbayntii maanta Warbixin ka soo saaray socdaalkiisa & Waxyaabaha uu kula kulmay.

Wuxuu sheegay in Deeganada Puntland ay ka jiraan caburin lagu hayo qaybaha Bulshada, in Dowladu ku guul daraysatay wax ka qabashada Adeegyada bulshada & in aanu maamulka Puntland samaysan karin mudo kordhin isagoo ka digay qalalaase dhaca.

Dr. Gaas maahan shakhsi ku cusub masraxa siyaasada 1 bil ka hor wuxuu ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya kamana hadli jirin lagamana maqli jirin dhib ka jirta Deegaanada Puntland Hadaba Waxaan Maqaalkan ku eegaayaa Warbixintii Dr. Gaas & sababaha keenay in uu wakhtigan faraha la soo galo Arrimaha Puntland.

Horumarinta & Adeegyada Bulshada.

Dr. Gaas wuxuu kaga hadlay warbixintiisii Adeegyada Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada & Biyaha in anaa Dowladu waxba ka qaban sidaa darteedna ay ku guulaysan weyday inay dhisto kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Waa xaqiiq jirta in Puntland baahi u qabto wax ka qabashada Adeegyada Bulshada & kaabayaasha dhaqaalaha waana masuuliyad saaran Xukuumada & muwaadin kasta oo reer Puntland intii karaankiisa ah.

Dr. Gaas 1 sano & 3 bilood wuxuu ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya oo in badan ka Awood, Mansab & Maamuus sareeyey madaxda Puntland, waxaa soo maray fursado ka badan kuwa ay helaan Madaxda Puntland wuxuu ka qayb galay Shirar caalami ah sida kan Golaha loo dhan yahay (UN) oo uu laba jeer ka jeediyey Khudbado wuxuu saaxiibo dhow la noqday wadamo ka tirsan Beesha Caalamka isagoo gar wadeen ka ahaa deeqaha Soomaaliya ay ka hesho Beesha Caalamka mudadii Xukuumadiisu joogtay xafiiska.

Ka sakoow inuu ahaa Raysal wasaare ka dhaxeeya Soomaali oo dhan hadana wuxuu ku yimi kursiga 4.5 isagoo asala ahaan ka soo jeeday Deegaanada Puntland oo ka mudnaa inuu xaqa ugu hiiliyo.

Mudada intaas le’eg lagama maqal baahiyaha Puntland u qabto in laga taageero Adeegyada Bulshada & Kaabayaasha Dhaqaalaha mana samayn dadaalo dheeri ah oo wax lagaga qabanayo baahiyahaas, Xukuumadii uu madaxda ka ahaa oo Soomaaliya oo dhan masuuliyadu ka saaranyd maamulaysayna Deeqaha Beesha caalamka 1 Mashruuc kama fulin Deeganada Puntland.. Hadaba waxaa is weydiin mudan Dr. Gaas wakhtigii uu Raysal wasaaraha ahaa ma baahiyaha ay Puntland u qabto ka taageerida Adeegyada Bulshada & Kaabayaasha dhaqaalaha baan ahayn kuwo jira? Ma Raysal wasaaraha ayaan wakhtigaas ka war qabin oo loo sheegin? Mise dano siyaasadeed ayaa hada la soo galay oo wuxuu kaga doonayaa Bulshada kalsooni?. Mudo kordhinta Xukuumada & Nidaamka Xisbiyada badan.

Mudo kordhinta ay samaysatay Xukuumada Puntland maahayn mid qarsoon waxayana ku xalaalaysatay sida ay ku doodayso Dastuur bishii April, 2011 lagu ansaxiyey Magaalada Garoowe qorshaha Madaxweyne Dr. Faroole ee ku wajahan Arrimahaasina wuxuu soo bilaabmay wakhti hore.

In badan oo ka mid ah Dadweynaha & Siyaasiyiinta Reer Puntland waxay noqdeen kuwo si cad u diidan qorshaha Xukuumada iyagoo cod dheer & mid gaaban ku muujiyey sida aysan suurtagal u ahayn in Xukuumadu ku darsato mudada & meel marinta Dastuurka Puntland oo qaarkood sheegeen in loo ansaxiyey sifo aan sharciga waafaqsanayn.

Dr. Gaas wakhtigaa wuxuu ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya wuxuuna u soo wakiishay inuu uga qayb galo Shirkii lagu meel marinayey Dastuurka & qorshaha Xukuumada Ku xigeenkiisii ahaana Wasiirkii Ganacsiga Cabdiwahaab Ugaas Khaliif & wefti uu hogaaminayey isagoo si cad ugu sacaba tumay una taageeray qorshaha Madaxweyne Faroole halka uu dheg jalaq u siin waayey Cabashooyinkii & Dhawaaqyadii ka soo yeerayey Dadweyanaha & Siyaasintiina Reer Puntland qaar kood.

Hadaba waxaa is weydiin mudan wakhtigii Dr. Gaas ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Xukuumada Puntland ansaxsanaysay Dastuurka, Mudo kordhinta & Qorshayaasheeda ku aadan nidaamka Xisbiyada badan muxuu u taageerayey oo weftiga ugu soo diray maantana u dhaleecaynayaa? Ma Dastuurka Puntland buu hada akhriyey oo khaladaad uga muuqday? Mise hami siyaasadeed baa galay oo waxa u muuqatay in Doorashooyinka la soo de dejiyo si uu tartanka dhiniciisa uga galo?

Gobolada Maqan ee Puntland.

Warbixintii Xildhibaan Cabdiweli waxaa ku dhex jirtay in Goboladii Puntland qaar maqanyihiin arrintaas oo uu masuuliyadeeda dusha ka saaray Xukuumada hada haysa hogaanka Puntland.

Waxaa xaqiiqo ah in xaruntii Gobolka Sool ee Laascaanood ay ka maqan tahay gacanta Maamulka Puntland ayna Gobolada Sool & Sanaag noqdeen kuwo ay isku herdiyaan gacan ku hayntooda Maamulada Somaliland & Puntland .

Gobolada ka maqan gacanta Maamulku waxay u baahan yihiin in dib loogu soo celinayo iyadoo la marayo wado kasta oo suurtagal ka dhigi karta mid ciidan & mid siyaasadeedba .

Wakhtigii Dr. Gaas ahaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xukuumadii uu hogaanka u hayey waxay wada hadal la furtay Maamulka Soomaaliland iyadoo laga duulayey qodobkii 6-aad ee shirkii London.

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku dooday in cida mudan inay la hadasho Soomaliland oo xuduuda & danaha la wadaagtaa ay tahay Puntland sidaa darteedna loo baahan yahay in laga qayb geliyo wada hadalada dhex mari doona labada dhinac isagoo ku hanjabay inaysan aqoon san doonin natiijo kasta oo ka soo baxda wada hadaladaas hadaan laga talo gelin.

Nasiib wanaag Dr. Faroole wuxuu ku guulaystay in 2 Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Puntland (Wasiirka Arrimaha Gudaha/ Warsangeli & Wasiirka Qorshaynta/ Dhulbahante) lagu daro Gudigii dhinaca Soomaaliya u metelayey wada hadalada labadaas Wasiir oo ka soo kala jeeday Gobolada ay Soomaliland ku muran sanayd ee Sool & Sanaag.

Soomaliland waxay diiday inay timaado miiska wada hadalada ilaa laga reebayo Wasiirada ka socda dhanka Puntland oo asal ahaan ka soo jeeda Sool & Sanaag oo Soomaaliland ka mid ah sida ay ku doodayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shiriif oo dano ka lahaa wada hadaladaas wuxuu ka saaray labadii Wasiir si aanu u burburin qorshuhu wuxuuna soo magcaabay 5 Wasiir oo 4 ka mid ahi ka soo jeedeen Gobolada Koonfurta kuwaas oo dhamaantood ka tirsanaa Xukuumadii uu hogaanka u hayey Dr. Gaas.

Dhamaadkii bishii Jun waxaa heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Magaalada Dubai Madaxweynihii Soomaaliya ee wakhtigaas & Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweynaha Puntland markaas wuxuu si cad ugu gacan sayray wada hadalada isagoo sheegay inay u dhexeeyeen laba shakhsi oo kala lahaa dano u gaar ah midna Aqoonsi doon ahaa midna Olole Doorasho ku jiray waa sida uu hadalka u dhigaye.

Raysal wasaare Cabdiweli Gaas Jawaabtii uu wada hadaladaas ka bixiyey waxay noqotay Puntland xaq uma lahan inay ka hadasho Wada hadala u dhexeeya TFG & Somaliland mana ahan hawl u taala maamul Goboleedyada.

Hadaba waxaa is weydiin mudan Dr. Gaas oo markaas ahaa Raysal wasaare xil kama saarnayn miyaa maqnaanshaha Gobolada maqan ee ay ku kala doodayeen Madaxweyne Shiriif & Madaxweyne Siilaanyo? Mise hada ayuu ogaaday in ay jiraan Gobolo ka maqan gacanta Puntland? Mise hada ayuu xil ka doonayaa Puntland oo garowsaday in Goboladaasi yihiin kuwo ka tirsan Dhulka Puntland ayna tahay in dib loo soo celiyo?.

Caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.

Qodobkii 6-aad ee Warbixinta Dr. Cabdiweli Maxamed Cali waxaa uu ku muujiyey in Dadweynaha reer Puntland ay ka tirsanayaan maamulka cadaalad daro & u sinaansho la’aan khayraadka Puntland.

Waa markhaanti ma doonto in meel kasta cadaalad xumada & sed bursigu ka jiro waana mid ka mid ah sababah Soomaaliya la degi la’dahay.

Waxaase is weydiin mudan Dr. Gaas wakhtigii uu ahaa Raysal wasaaraha reer Puntland isagu hilbihii & Manaasibtii uu soo helay ma ugu qaybiyey si cadaalad ah?

Deeqdii Waxbarasho ee Turkiga.

Raysal wasaaruhu sidii uu qiray isagu todobaad ka hor markii uu Dugsiga cumar Samatar kula hadlayey koox arday ah wuxuu Puntland soo gaarsiiyey Deeq Waxbarasho oo ay ka heleen Wadanka Turkiga.

Deeqdaas waxaa u sinaa dhamaan Ardayda reer Puntland waxayna ahayd in si cadaalad ah loogu qaybiyo tiro kasta oo ay ahayd-ba maadama baahidu tahay mid weyn meel kastana ka jirto.

Nasiib daro ma dhicin in si cadaalad ah loo qaybiyo Raysal wasaaruhuna wuxuu u kala qaybiyey Magaalooyinka Garoowe & Gaalkacayo oo uu asal ahaan isagu ka soo jeedo.

Puntland waxay ka kooban tahay 38 Degmo dhamaantoodna waxay mudan yihiin si siman wax loogu qaybiyo iyadoo lagu qiimaynayo hadba baahida ka jirta & Tirada Dadweynaha ku nool.

Garoowe waa magaalo caasimad ah oo inta badan Hay’adaha Dowlada fariisin u ah waana suurtagal in saami la siiyo laakiin in Degmooyinkii Puntland oo kale oo tiro ahaan dhan 35 oo ay ku jirto Hooyada Puntland ee Boosaaso aan la geynin deeqda waxbarsho lana geeyo Degmada Gaalkacayo oo xataa qaybo kale maamulkeeda ay ku hayaan gacanta Dowladu kale waxay ahayd cadaalad daro aan sinaba loo aqbili karin masuuliyadeedana uu lahaa Raysal wasaare Cabdiweli.

Shaqaalaha Xafiiska Raysal wasaaraha.

Xafiiska Raysal wasaaruhu waa xil qaran oo ka dhexeeya dhamaan Bulshada Soomaaliyeed laakiin wuxuu ku yimi nidaamka 4.5 oo waxaa xilalkiisa & ka Arrimintiisa u bata hadaba beesha markaas xilka Raysal wasaaranimo haysa.

Ka sakoow Puntland xataa Beesha Daarood oo uu metelayey Raysal wasaaruhu waxay xaq u lahayd in kuraasta Xafiiskaas wax laga siiyo si simana loogu qaybiyo iayadoo qofkasta Aqoontiisa & Khibradiisa la eegayo laakiin nasiib daro taasi ma dhicin Dr. Gaas wuxuu Xafiiskiisa ku ururiyey xubno ay isku jifo yihiin oo xataa aan ka soo jeedin beelaha kale ee Puntland.

Hadaba waxaa is weydiin mudan Dr. Gaas oo mudadii uu xilka hayey u soo dhaqmay sidaas miyey suurtagal noqon kartaa inuu maanta ku eedeeyo cid kale Cadaalad daro & Eex?.

Gunaanad.

Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) waa muwaadin reer Puntland ah xilal kala duwana ka soo qabtay Soomaaliya wuxuuna mudan yahay in la siiyo Ixtiraam gaar ah uuna ka odayeeyo Arrimaha Puntland laakiin Aniga ilama qurux badanayn inuu ku dhex milmo ama Dhibaatooyin uu horay u arkayey inadhahna uga qarsanayey uu maanta ku soo baraarugo.

Waxaa ila qurux badnaan lahayd hadii uu rabo Wanaaga Puntland inuu ka Odadeeyo oo Xukuumada & Dadka ka feker duwan uu u kala dab qaado oo dhex dhexaadin ka galo.

Xaq wuxuu u leeyahay inuu Hogaanka Puntland qabto ama u tartamo hase ahaatee waxaa haboonana lahayd inuu si rasmi ah u shaaciyo hamigiisa intuu si dadban ololaha ugu jiro.

Ma ahan Qorshe fiican in Siyaasi kastaa Dantiisa eegto maalintii la isku dan la yahayna la wada Saaxiibo inagoo ka dheregsan xiriirka fiicanaa ee ka dhexeeyey Gaas & Faroole maalintii la kala dan boxona midba kan kale dhaleeceeyo waxaa fiicnaan lahayd khaladaadka jira in si wada jir ah loo wada saxo intii laga door bidi lahaa in Saxaafada la iska dhaleeceeyo.

Waxaan ka jeclaan lahaa Dr. Gaas inta uu saxaafada u soo bandhigayo khaladaadka uu soo arkay inuu la hor tago Saaxiibkii Faroole laakiin aan jaah wareerin lagu furin Bulshada rayidka ah dushoodana laga bilaabin is herdin aan la aqoon cid guushu ku raaci doonto.

Shiine Culay
Qoraa & faaloode .

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA