BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Maqaal ka Jawaabaya Bayaankii Ururka midnimo

December 14, 2012 8:23 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Marka hore waxaan salamaya bulsha waynta reer Puntland dal iyo dibadba asw salaan kadib waxaan jeclaan lahaa inaan ereyo ugudbiyo Gudoomiyaha xisbiga MIDNIMO oo maantay oo taarikhdu ahayad 13.12.2012 bayaan uu kasoo saray xarunta ganacsiga dawlada Puntland ee Boosaaso.

Hadanu nahay shicbiyada reer Puntland dal iyo dibadba Dr Saadiq Eenoow waxaan unaqana shaqsi sumcad iyo sharaf ka dhex huwan bulshada dhexdeeda waana qoraa sare kuna caanbaxay inuu wax kaqoro cilmiga diiniga iyo midka maadiga waxaana intaas u dheer inuu yahay taariikhyahan qota dheer hadaba Dr Saadiq Eenoow markii uu kasoo dhexmuuqday isbadalka siyaasadeed ee looga dhawaqay gudaha Puntland oo aanu argnay isaga iyo aqoonyahno iyo saraakiil iyo ganacsato badan oo Xisbi furtay dhamaan dadkii yaqanay Dr ka aad baay ugu riyaaqeen waxyna isla wada qireen inuu Meeshii ugu haboonayad Saadiq Eenoow talada mariyay.Balse waxaa cajiib iyo amakaag noqday maantay maraan akhriyay bayaan uu soosaray Dr Saadiq oo uu kaga hadlayay arimaha siyaasadeed ee dawlada Puntland uma muuqan Dr ku shaqsi waxii aanu ku faraxnay raadkeedii haya balse waxaan ka dhadhasaday bayaanka Dr ka inuu dhexdhexaad u arko shaqsiyaadka fidna wadayaasha ah ee jooga guddaha Puntland .

Hadaba waxaan Dr Saadiq Eenoow kor iyo hoosba ugu sheegi lahaa anoo ah shaqsi muwaadina kuna dhashay una dhashay mandaqada Puntland Dr saadiq Nur Enow waqtigaan xaadirka ah Puntland uma baahna in dib loo celiyo oo la abuuro jahawareer siyasadeed la geliyo dalka.

Dowlada puntland waxa ay dejisay nidaam cad oo umaddda u horseedaya waa cusub iyo nidaam ku dhisan,dimoqoraadiyada asxaabta badan ma jirto wax sababaya in wadahadalo la furo dad qaswada yaala oo tirayar waayo dowlad puntland wax wayn uma aragto shaqsiyaad danaystayaal ah oo nidaam diid ah horumar diid ah kuna soo fashilmay siyasada Puntland oo horay ay dadku usoo tijabiyeen. qofkii xukun raba sida idinkuba aad ururka MIDNIMO u furateen asxaabto waa la furan karaa cidii guux siyaasadeedi ku jirto dabadeedna xisbigii doorashada ku soo baxa ayaa qabanaya hogaanka dalka xiligaan waxaa loo baahanyahay oo qura waxa weeye in umadda puntland ay isoo diyaariyaan doorashadda dhici doonta horaanta sanadka 2014.Inta ka horaysa waxaa dadka lago baraarujin in ay fahmaan habkan cusub ee geedi socodka dimoqoraadiyadda sida aad tiri arimuho ma aha in adoo xisbi gudoomiye ka ah aad u hadasho sidii fidna wadayaasha dalkii jooga oo kale iyaga had iyo jeerba yiraahda doorosho hala qabto Jan/08/2013.

Dr Saadiq dowlada waxaa u dhiman sanad hor eh oo lagu ansaxiyay 485 egay ay kamid ahaayen 30 isin oo kuwa ugu dhumucda wayan Puntland ah adiguna waad ogayd waxadna ku furatay xisbi oo waad u bareertay ee yaysan sumcada iyo sharfta aad ku dhexledahay bulshawaynta reer Puntland wax u dhimin shaqsiyadka tirada yar ee qaylinaya. waxaana loo baahan yahay in laga miro dhaliyo doorashooyinka soo socda ee Puntland si Dimoqraadiyad ah uga dhici doona.

Puntland waxay leedahay cadaawad badan oo kuteedsan hareeraha deeganka iyo gudaha,  hadaan tilmaamo cadwga gudaha Puntland kujira waxaa kamid ah.Cadawga Gudaha Puntland:

(1) Calahi Saciid Samatar(2) Gaagab(3) Qablax(4) Shababka Galgala(5) Burcad badeed, Shantaas waxay kusugan yahiin gudaha Puntland waxayna ka midaysan yahiin burburka iyo baaba.Dadka iyo dawlada Puntland waxa kaloo hareeraha Puntland kaga teedsan cadawga dibata ee Puntland waxana kamid ah.Cadawga Dibada Puntland(1) Soomaliland(2) Cali Khalif iyo xulafadisa(3) Galmudug(4) Damjadiid, Intasina waa inta jecel baaba iyo burburinta reer Puntland waxaana hangool falara leh ku haya madaxwayne Faroole oo horkacaya Pulshawaynta caqliga usaxiba ee reer Puntland.

Gabagabadii iyo gunaandkii waxaan hanbalyo iyo bogaadin hawada u marinaya sidii geesi nimada lahayad ee uu XISBIGA Hor Cad uga hadlay xalada Puntland gaar ahaan waxaan bogadinaya gudoomiya kumelgarka ah ee XISBIGA Hor Cad mudane Cumar Waabari sidoo kale waxaan soo dhawaynaya xisbiyadii kale ee ka qaybqatay hanaanka dimuquradiyada sida UGUB ,MIDNIMO, HORSEED iyo HOR CAD.

Ciiro Ahmed Hassan dr ligle

kala xiriir: ikhra2@hotmail.com

Maqaalakni wuxuu u gaar yahay qoraaga ku saxiixan

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA