BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MAQAAL: Reer Puntlanoow hurdada kakaca:

February 22, 2013 2:42 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Waxaan maqalkaan igu kalifay inaan qalinka uqaato shacbka reer Puntland oo iyagu kujira hurda dheer bal inaan xasuusiyo inta dhibato iyo murugo uu ugaystay wiilka dhawr iyo sodonjirka ah ee lagu magacabo Ahmed Godane.

Axmed Xasan Ciiro

Axmed Xasan Ciiro

Ahmed Godane waxuu deganada Puntland ka haystaa dad fara kutiris ah oo maskaxada laga xaday runtiina aan is oran karno waaba sixran yahiin markaad aragto dadka dadka laynaya oo ubadan ciyaalka yar yar mana aha runtii dad ay diini kamuuqato markaad wajigooda aragto dadka dadka laynaya waxaadba isleedahay kuwani waaba ciyaalkii koola dhuuqa ahaa ee barigii nabada jirtay hoos fadhin jiray taaladii dhagaxtuur hadaba waxaan rabaa bal intaan ka xasuusto dadka uu Ahmed Godane iyo ururka allshabab idinka layeen shacabka hurda kujira ee reer Puntlanoow.

Waxaa Dhaman shacabka rer Puntland maskaxdooda kasii guxaysa samayn na kuyelatay dilalkii Fosha xumaa ee lagu dilay Xildhibandii, Isimdii, Nabadoondii, Ganacsatdii, Sarakiishii, Xer-ilaliyayashii iyo Gudoomiyayaashii iyo culama udiinkii diinta ehelka u ahaa.

Alaha Unaxariistee dhamaan dadkaan oo dhan runtii Manan Ilawin Mana Ilawi doono Cida sida Naxariisdarada ah udishay Halgamayashii Umadayda reer Puntland bayna ahayeen.

LIISKA KOWAAD WAXAAN KABILABAYA LABADII SHIIKH EE AHA LABADII IDHOOD EE SHACBKA:

1) Dr. Shiikh Ahmed Xaaji C/raxmaan waxaa ladilay 05/12/2011 waxaana ladilay isagoo xaj kasoo labtay oo sootukaday salaad subax Masaajidka waxaana dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

2) Shiikh C/qaadir Nuur Faarax waxaa ladilay 15/2/2013 isagoo salaad jimace tukaday kadibna Salaad casar tukanaya oo kujira ragcadii afraad kuna jira baydkii ilahay Masaajid waxaana dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

3) Xildhiban Ibrahim cilmi warsame (gaab) la dilay bishii Novembar 2009 Garowe, Gudiga golayasha puntland waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

4)Xildhibaan mahamud abdi jibriil (daqare) xildhibaan barlamank puntland, la dilay bishii jan 19, 2010, Bosasowaxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

5)Xildhibaan abdulahi ali karad la dilay bishii Jan 5, 2010 Bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

6)Xildhibaan Ibrahim Elmila dilay Nov 12, 2009 bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

7)Xildhibaan Shaybe Shiikh Maxamuud 06/8/2012 waxaa dilay Ahmed Godane

LISKA GUDOMIYAYASHA IYO XER ILALIYAYASHA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQDARANI DISHAY:

1) Gudoomiya abdulahi Mahdi Hassan (sayidka):gudomiyihii ururka ardaydasoomaliyeed, la dilay Jan 31 2010 Bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

2) Gudoomiyihii karkaar: Yaasiin siciid husen la dilay Apr 27 2009 dhudhub, karkaar waxaa dilay Ahmed Godane

3) Gudoomiyihi maxkamada darajada 1aad: sheikh Mohamed Abdi Aware, la dilay nov 11 2009 bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

4) Gudomiye racfanka gobola mudug: sheikh husen Mohamed khaliif, la dilay feb 8 2011 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

5) Xeer-ilaaliyihii gobolka mudug: abdulqadir jamac nugal (caato) la dilay jan 25 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

6) Xeer ilaaliye mahamud awmuuse geele (timajilic) xeer ilaaliyhii gobolka mudud la dilay bishii jun 27 2011 Galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane

7) Xeer I laaliya Ali Jamac Qalas waxaa la dilay bishii june 12 2012 Bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

8) Xeer I laaliye ahaana taliya ku xigeen akdeemiyada Carmo; col Abdulahi salax shirwac..waxaa la dilay bishii nov 30 2010 Bosaso Ahmed Godane waxaa dilay Ahmed Godane.

LISKA ISIMADA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) Suldaan ciisa hasan cumar la dilay nov 21 2010 bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

2) Nabadoon c/risaq maxamud guhaad la dilay 23 2008 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

3) Nabadoon warsame Yusuf Islaan (cirfe(: odayshii dhaqanka Mudug, la dilay Jan 3 2011 Galkacayo waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane

4) Nabadoon cadbi kacaan la dilay feb 2009 galkacayo waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

5) Nabadoon ruur xirsi Osman (walwaal)la dilay march 30 2011 galkacayo waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

6) Nabadoon salah abdi salaam ahmed la dilay apr 2011 masjidu raxma Bosaso waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane

7) Nabadoon sacid hasan cumar (kashawiito) la dilay april bosaso masjidka alrashiid waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

8) Nabadoon Ahmed Salad Caynab : nabadoonadii Gobolka bari, la dilay march 28 2011, bosaso waxaa dilay waxaa dilay Ahmed Godane.

9) Nabdoon Husen Ali Dude: gudoomiyihii nabdagelyada gobola Mudug, la dilay bishii March 2011 Galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

LISKA SARAKISHA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) G/sare Yasin Ahmed Sanwayne (Yaasin Tolwayay)taliyihii ciidanka sirdoonka, la dilay bishii Apr 2009 galkcayo waxaa dilay Ahmed Godane.

2) G/sare warsame Yusuf ahmed (yey) taliyihii dembi barista (CID) la dilay dec 1 2010 waxaa dilay Ahmed Godane.

3) G/sare Husen Ali Farah taliyihii saldhiga Baalade, la dilay dec 10 2010 boaso waxaa dilay Ahmed Godane.

4) G/sare ahmed Jamaac Salah sarkaal puntland police, la dilay bish dec 2, 2010 Garowe waxaa dilay Ahmed Godane.

5) G/sare Mukhtaar Sheikh Ali la dilay bishii April 22, 2011 lagu dilay Garowe waxaa dilay Ahmed Godane.

6) G/sare Mahamed Muse Ilkadheere: taliyihii ciianka darawiishta gobolka cayn and mudug waxaa dilay Ahmed Godane.

7) Taliye Osman Abdidahir Mahamud (coor-coore): sarakiisha gobolka Mudug la dilay Bishii Dec 12 2009 waxaa dilay Ahmed Godane.

8) Taliye sool ina ilka dheere waxaa dilay Ahmed Godane.

9) Taliye G/sare Ahmed Hassan Haji (dhoonge) taliyihii saldhiga biya kulule, la dilay septembar 5, 2010 Bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

10) Taliye kuxigeenkii cidanka boliska Puntland 03/6/2012 C/laahi Saalax Maxamed waxaa dilay Ahmed Godane

LISKA AQOONYAHANADA BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQ DARANI DISHAY:

1) Prof sheikh Ahmed Haji A/rahman: Asasayaashii PSU, macalin, Prof wax ka dhiga jamacada psu lagu dilay bosaso Dec 5 2011 waxaa dilay Ahmed Godane.

2) Aqoon Yahan mohamed yasin ilka case: agaasimihii guud ee PDRC waxaa la dilay bishii abril 2011 garowe waxaa dilay Ahmed Godane.

3) Aqoon Yahan ah Sheikh Ismail haji husen: agaasimihii diinta iyo awqaafta, la dilay bishii Apr 16 2011 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

4) Aqoon Yahan Agaasime sheikh ismail haji husen la dilay 16 apr 2011 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

LISKA GANACSATADA XALALMIRADKA AH EE BIRMAGAYDADA AH EE GACANTA KA XAQDARANI DISHAY:

1) Ganacsade Hassan ahmed ali, lagu dilay Galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

2) Ganacsade Mohamed cumar Guray: la dilay bishii April 27 2011 Galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

3)Ganacsade A/salan Warsame Aw mahamud: la dilay bishii may 14 2011 Bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

4) Ganacsade Abdinuur Salah Dhiidhix: la dilay Bishii May 16 2011 lagu dilay Bosaso waxaa dilay Ahmed Godane.

5) Ganacsade ali jamac biixi (janogale) july 9 2009 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

6) Ganacsade Cumar Awmuse Mahamed: ganacsade ahaana masuuliyiinta shirkada Red sea, la dilay bishii june 20, 2011 waxaa dilay Ahmed Godane.

7) Ganacsade/gudomiyihii hore ufayn: shire sicid Osman (walbaq) la dilay May 14 2011 waxaa dilay Ahmed Godane.

8) Ganacsade mahamud sheikh Osman la dilay oct 8 2009 galkacayo waxaa dilay Ahmed Godane.

a)Hadaba waxaa cajiiba ninka intaas oo magool ah kadilaya in markuu wax dilo intuu galo guri reer Puntland laga badalo dharka oo laqariyo.

b)Waxaa kaloo cajiiba dhagarqabaha nin garboodkiina dilaya inaad guryaha ukiraysaan.

c) waxaa kaloo cajiiba ninka dhagarqabaha ushaqeya Ahmed Godane farta ugu fiiqaya waxgardka iyo culimada iyo aqoonyahanka oo leh hebel wakaase oradoo dil.

Waxaan kusoo gaba gabaynaya maqaalkaan tiiranyada iyo naxdinta huwan Ahmed Godane waa nin reer waqooyi ah mana laayo culimada iyo waxgardka iyo aqoonyahanka reer waqooyi xaskiisa 2aad na waxaay dagantahay magalada Hargaysa sanad kastana waay uraysataa oo ilamay dhashaa waxaana halkaas idinka yaqiin ah inuu utago oo maamulka Siilanyo rag ka shaqeeya ay ku ogyahiin waadna aragtaan wiilkii Faysal Cali Waraabe oo qaraxya xanbarsan oo Puntland usocda in Laascanood lagu qabtay shekaduna almtara soodhaaftay ee waad huradaane iska qabta inta waxmagartada ah ee guryaha ukiraynaysa oo gabdka u noqonaysa Ahmed Godane iyo ragiisa hadii kale walaahi waxaa layswaydiin doona in dad ku noolan jireen deganada Puntland oo waad salkacaysaan.

Waxaan aad iyo aad usoo dhawaynaya shirkii ay iclaamiyeen culimada Soomaliyeed oo looga tashanayay sidii Allshabab laysaga qaban lahaa waxaan kaloo u mahadcelinaya Madaxwaynaha dawlada Puntland oo ku hibeeyay inuu marti galinayo Shirkaas Culimadu ay isugu imanayso.

Ciiro Ahmed Hassan
dr. ligle

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA