Mawqifka PUNSAA ee ku aadan Shirweynahii Qaran ee Garowe2 15-17, Feb, 2012 iyo shirka Soomalida loogu qabanayo London 23ka Feb, 2012
Mudanayaal/Marwooyin;
Hay’adda Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland “PUNSAA” waxaa sharaf noo ah in aad nagala soo qaybgashaan munaasabadaan oo aan ku soo bandhigayno mawqifkayaga ku aadan shirkii Garowe2 ee dastuurka Somaliya looga hadlayey iyo shirka manta Somaliada uga furmay magaalda London.
Marka hore, PUNSAA waxay mahad ballaaran u jeedinaysaa dhammaan dadkii ka qaybgalay kuna dadaalay in shirkii Garowe2 uu si guul ah ku soo gabagaboobo oo ay ugu horeyso xukuumada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Dr. Abdirahman Sh. Mohamed, Golaha xukuumada Puntland, Baarlamaanka, ciidamada qalabka sida iyo shacabka reer Puntland. Sidoo kale waxaan mahad ballaran u jeedinaynaa Madaxweynaha Dawldda TFGda Mudane sh. Sharif Sh. Ahmed, Ra’iisal wasaaraha Dawladda TFGda Prof. Abdiweli Mohamed Ali, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed Mudane Shirf Hassan Sh. Aden, Xubnaha Golashaasha xukuumada iyo Barlamaanka TFGda, Mas’uuliyiinta ka socotay Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Wal jamaca iyo ergayga gaar ah ee xafiiska siyaasada qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Somaliya Ambassador Agustin Mahiga. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa xubnaha ururada bulshada rayidka ah ee Puntland iyo Soomaaliyaba oo iyagu ku dadaalay in shirkan uu guulayso oo cadaadis badan ku saaray siyaasiyiinta in ay heshiis gaaraan. Sidoo kale waxaa mahadleh guddiyadii shirkan ka qaybgalay oo ay ka mid ahaayeen guddiga madaxa banana ee dastuurka IFCC iyo guddiga khuburada COE oo gacan ka gaystay hawlaha fududeynta iyo farsamada shirka.
Hay’adda PUNSAA waxay aaminsantahay in la gaaray ujeeddooyinkii laga lahaa shirkii dastuurka ee Garowe2 oo la doonayey in go’aan laga gaaro qodobada soo socda:
Madasha ururada bulshada rayidka ah ee PUNSAA waxay si guud u soo dhaweynaysaa dhamman qodobada shirkan lagu heshiiyey kuwaas oo aan aaminsanahay in ay Somaliya ku hogaamin doonaan horumar ay kaga gudubto marxaladan kala guurka ah ee iminka aynu ku jirto si loo gaar dawlad Soomaaliyeed oo dhamaystiran.
Waxaan si gaar ah u xusaynaa qodoba ugu muhiimsan heshiiskii Garowe2 oo ay ka mid yihiin:
Madasha ururada bulshada rayidka ah ee Puntland PUNSAA waxaa ka go’an in ay xaqiijiso doorkooda ku aadan dabagalka iyo hubinta kaalintooda heshiiskaan ku cad hadday noqon lahayd qaybta la siiyey haweenka, magacaabidda guddiga madaxa banana ee doorashada, Golaha Guud ee Dastuurka ansixinaya iyo Xubnaha baarlamaanka cusub. Maamulka Puntlana waxaan ugu baaqayna in ay PUNSAA ku caawiyaan sidii ay u xaqiijin lahayd doorka bulshada rayidka ah ee Puntland ay ku yeelan doonaan hanaanka hawlaha dhiman.
Sidoo kale, waxaanu aad u soo dhaweeynaynaa in shirka kan xiga lagu qaban doono magaalada Mogdishu oo looga hadli doono Xuquuqaadka iyo xoriyadaha asaasiga ah taas oo aanu filayno in ay kaalin fiican ka qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah ee Puntland iyo kuwa Somaaliyaba.
Dhanka kale, Hay’adda PUNSAA waxay soo dhaweynaysaa shirka Maanta Soomaalida uga furmay Magaalda London oo ay martigalisay Dawladda Ingiriisku.
Shirkaas waxaan aaminsanahay in uu Somaliya wanaag u horseedi doono maadaama ay garwadeen ka tahay mid ka mid ah dawladaha adduunka ugu tunka weyn isla markaana Soomaaliya isha ka daawanayey 21 sano ee ay burburka iyo dawlad la’aanta ku jirtay.
Haaddaanu nahay ururada bulshada rayidka ah ee Puntland
waxaan aaminsanahay in shirkaasi uu sii taban taabin doono dadaalka ay waddo xukuumada Soomaliya iyo Dawladda Puntland oo lagu xaqiijinayo tubta Roadmapka si loo soo afjaro ku meel gaarnimada ragaadisay Soomaaliya.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka London ka qaybgalaya waxaan u soo jeedinaynaa in ay khilaafkooda meel iska dhigaan isla markaana ay u midoobaan xalka Soomaaliya oo muujiyaan geesinimadii looga bartay shirarkii GaroweI iyo GaroweII.
Ugu danbeeynyii ummadda Somaliyeed waxaan u soo jeedinaynaa in ay u midoobaan sidii danahooda iyo horumarkooda uga shaqayn lahaayeen. Sidoo kale, waxaan Somali oo dhan ugu baaqaynaa in ay taageeraan geedi socodka Road Mapka oo ah barnaamij Somalia meel fiican gaarsiin kara inakana saari kara dhibaatada manta Somalia ka taagan.
Wa bilaahi Tawfiiq
Xafiiska Hay’adda Ururada Bulshara Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA)
————————————————————————————————–