BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

Maxaa ka jira in Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sh. Culusow laga wado Muqdisho (Warbixin)

January 30, 2013 7:33 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Warbixin: (pp)- Xog hoose oo aan ka helayno Magalada Muqdisho ayaa shegaysa  in baarlamaanka DF ee Soomaaliya ay yeelanayaan  kalfadhi an caadi ahayn ayna uga hadlayaan arrimo la xiriira sharciyada baarlamaanka iyo dowlada u dhigan. Dad aag ugu dhuun duleela siyaasada DF ee Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in inta badan Barlamanku aysoo jeediyeen in xilka laga xayuubiyo Madax Waxayne Culusow Maadaama uu jabiyay inta badan Dastuurkii Dalka iyo Dadka uyaalay ,uuna uxuubsibtay Hogame kooxeed Jabhadeed.

Xasan Sheekh oo ay ka imaadeen Xubnaha baarlamaanka qaarkood

Xasan Sheekh oo ay ka imaadeen Xubnaha baarlamaanka qaarkood

Masuuliyiinta baarlamaanka qaarkood ayaa qaba in Mansabka Dalka iyo Dadkan aan lagu aminkarin waxii inta kabadan Madaxweynaha ,waxaana xildhibaanada qaarkood ku adkeysanayaan in keenayaan Mooshin ka dhan ah oo xilka looga xayuubinayo Qaban qabadiisa ay kasocoto Magalada Muqdishu.Xubnaha aadka uga soo horjeeda ayaa u badan Soomaalida badankeed inta taabacsan dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya in laga hirgeliyo Soomaaliya , waxaana xildhibaanada mooshinkaas wada ay ka soo kala jeedaan Puntland, gobolada w/galbeed ( Somaliland), Jubbaland iyo Beesha Digil iyo Mirifle oo dhamaantood qaba in madaxweynaha uu si cad ugu tuntay axdigii kumeel-gaarka ahaa ee Soomaaliya.Iyagoo cuskanay Qodobo badan oo u ka mid yahay Qodobkaan Dasturka Federaalka Soomaaliya.Wararka ayaa intaa ku daraya in Kooramka ay doonayaan Xubnaha baarlamaanka ay waxayar ka dhiman yihiin dhowaana la dhamaystiri doono, isla markaana la horgeynayo Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Jawaari).

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xubnaha baarlamaaka qaarkood ay horay Cabashooyin ugu gudniyeen Madaxweynaha & Guddoomiyaha baarlamaanka arrinkaas oo aysan ka helin Jawaab wanaagsan, ayna ku qasabtay inay Abaabulaan Mooshin ka dhan ah inay ridaan Madaxweyne Xasan Culusow.

Sikastaba, aqoonyahano badan iyo saxaafada badankeed ayaa horay u sheegay in Madaxweynaha hadda jagada haya  uu la kulmay waqti wanaagsan iyo jaanis soo maray Soomaaliya Waqti laga joogo 22 sano kaddib, guulahaas oo ay horay uga soo shaqeeyeen dowladihii ay kala hogaaminayeen Allaha u naxariistee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Sheekh Shariif, kuwaas oo aa ugu dadaalay in Soomaaliya ay horay uga socoto meeshii ay horay u joogtay, waxaase hada muuqada in madaxweynaha hada talaha haya uu Mugdi iyo muran siyaasadeed uu ku abuuray shacabka Soomaaliyeed, isagoo  ku dhaqmaya habkii Kooxaysiga ee Soomaaliya dumiyey 22 sano kahor.

Puntlandpost.com

 

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA