Muqdisho: (pp)- Wafdi uu horkacayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa maaanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Wafdigaas ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Airport kusoo dhoweeýey xubno ka tirsan baarlamaanka & guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jawaari
Jawaari ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Booqashada ay Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti muadane Idiris Aarna-cuut Cali ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Aarna-cuut Cali ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqashada ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, inta muqdisho ay kusugan yihiina ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda dowlada & Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo guddoomiye baarlamaan oo ka socda dalka Jabuuti uu soo gaaro magaalada Muqdisho.
Puntlandpost.com