Muqdisho: (pp)- Wasiirka Gaashaandhiga DF ee Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud (Fiqi) oo ka hadlay Weerarkii ay Ciidamada Comandoska ee dalka Faransiiska ay ka fuliyeen deegaanka Buulo mareer ayaa sheegay in dowlada Federaalka aysan waxba kala socon weerarkii laga fuliyey Buulo mareer.
Wasiirka ayaa sheegay in aysan u dulqaadin doonin in Weeraro aysan ka warqabin DF ee Soomaaliya in laga fuliyo deegaanada Soomaaliya , wuxuuna sheegay in weerarkaas ay Canbaaraynayaan.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii Weerarkaas lala socodsiin lahaa uu arrinku siddan ka duwanaan lahaa , wuxuuna Fiqi Tacsi u diray dadkii Soomaaliyeed ee Weerarkaas ku dhintay.
Warar sugan oo lagu daabacay joornaalada Caalamka ayaas sheegaya in Weerarkaas iyo sidda uu u dhacayey uu la socoday guddoomiyaha gobolka Shabeelada hoose C/qaadir Maxamed Siidi, isagoo sheegay in ay la socdeen weerarkaaas, halka dowlada Federaalka ay sheegtay in aysan waxba kala socon weerarkaas.
Hadalka wasiirka gaashaandhiga & kan guddoomiyaha gobolka Shabeelada hoose ayaa ah kuwo iska soo horjeeda, taas oo cadaynaysa in Koonfurta Soomaaliya qof walba meesha uu ka taliyo uu go’aankeeda leeyahay, ayna jirin wax maamul ah oo lagu wada shaqayn karo.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Maraylanka Obama ayaa sheegay in ciidamada Comandoska faransiiska ay wax yar ka caawiyeen , iyagoo diyaarado ku caawiyey, laakiin wuxuu cadeeyey madaxweynahu in diyaaradaha maraykanku aysan aysan ridin wax rasaas ah.
Puntlandpost.com