Muqdisho: (pp)- Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Halyeyga Isboorti Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed.
Marxuum Xasan Elman ayaa lagu xasuustaa qeybtii lixaadka lahayd ee uu ka qaatay horumarinta ciyaaraha gaar ahaan Kubadda Cagta. Wuxuuna qeyb weyn ka qaatay Tayeyntii iyo horumarintii naadiga Elman tasoo ay ku raacday Naaneystiisa (Xasan Elman).
Dadaal iyo karti uu ka muujiyay Isboortiga dalka waxaa 19kii Febraayo 2009 loo doortay ku xigeenka 3aad ee GOS, Sidoo kale 3da bishan Janaayo 2013 waxaa loo doortay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed .
Isla maanta ayaana Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, Iyadoo ay ka soo qeybgaleen madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Madaxda sare ee GOS, Madaxda Xiriirada kala duwan iyo Bahda Isboortiga oo aan u kala harin.
BAHDA ISBOORTIGA OO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAAYA EHELADA MARXUUM XASAN ELMAN :
Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabi
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Cabdi Xasan Axmed (Wataac)
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Ibraahim Abuukar Shaamoow
Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax
Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Ibraahim Xuseen Cali (Roombo)
Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow)
Guddoomiyaha XSKC Cali Saciid Guuleed
Guddoomiyaha XSKL Prof Maxamed Cali Caddoow
Guddoomiyaha Teakwondo Aweys Abanuur Abati (Orafeeyo)
Guddoomiyaha Feerka Xaaji Axmed Maxamed Coloow
Guddoomiye ku xigeenka XCF Khadiijo Aadan Daahir
GX.K.K Maxamed Xaaji Cali
GX.K.K Cali Xasan Cali
GX.K.K C/Casiis Goodax
Xogahayaaha XSKK Saciid Ducaale
Xogahayaaha XSKC C/qani Saciid Carab
Xogahayaaha XSCF Faarax Cali Macalin
Dhamaan Guddoomiyeyaasha iyo madaxda xiriirada kala duwan ee heer Qaran iyo Ururada isboortiga, dhamaan guddoomiyeyaasha
Olombikada Gobolada dalka iyo kuwa degmooyinka gobolka Banaadir, dhamaan Garsooreyaasha,Ciyaartoyda,Tababareyaasha
iyo taageerayaasha ciyaaraha, saxaafadda iyo dhamaan bahweynta ciyaaraha Soomaaliyeed waxayna Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman] oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho waxayna illaah uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo qarabaadii uu ka geeriyoodayna
samir Iimaan Eebbe ka siiyo.
Aamiin.. Aamiin.. Aamiin.
Puntlandpost.com