BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MUQDISHO : M-weynaha Somalia oo dib dalka ugu soo laabtey isaga oo cambaareeyay qaraxii Neyrobi

December 8, 2012 11:04 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor

Muqdisho:-M-weynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib safar shaqo oo maalmahan ku joogey dalka Turki, isaga oo halkaasi kulmey madaxda kala duwan ee dalkaasi, waxaana u si gaar ah uga hadley qaraxii xaley lala beegsadey Muslimiin Salaad soo tukatey oo ay ku jireen madax Somali ah waxaana uu sheegey in ay tahay wax laga xumaaado.

M-weynuhu, waxa uu sheegey in qaraxan uu aad uga naxey uuna yahay mid aan la qaadan-karin, waxa uu sheegey waa sida uu hadalka u dhigaye sababta Kenya loo weerarayo in ay tahay caawimaada ballaaran ee ay Ummadda Soomaaliyeed u fudinayaan, waxa uu sheegey in ay Kenya ka caawinayaa sidi ammaanka looga wada shaqeyn lahaa..

Qaraxan ayaa ka dhacey agagaarka Jamia Sreet, waxaana ku dhintey 4 qof waxaana ku dhaawacmey 6 qof oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada Kamakunji ee magaalada Nairobi.

Laamaha ammaanka ee Kenya, ayaa sheegey in uu qaraxan yahay mid ka duwan kuwii hore ayna wadaan baaritaano ballaaran. Muddooyinkan, ayaa magaalooyinka Neyrobi, Gaarisa iyo Mambaasa waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro khasaare geystey, iyada oo Kenya ku eedeysa qaraxyadan Al-shabaab.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA