Muqdisho:-M-weynaha DF ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud lagu wadaa in uu goordhow u duulo dalka Turkiga halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxa dalkaasi oo ay ka mid yihiin yihiin Racep Tayyib Erdogan iyo Madaxweyne Cabdalla Gul.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliya Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan, Taliyaha Ciidamada iyo Saraakiil kale.
Indhawaale, ayaa Muqdisho waxaa ku soo qulqulayay Wafuud Caalami ah kuwaas oo doonayay in dhanka kale Madaxda Somaalida ay tagaan dalalkooda.
M-weyne, Xassan oo ay tahay markii ugu horeysey oo uu Qaaradda Yurub u safro ayaa lagu wadaa in uu dalal kale uu ka tirsan Yurub uu socdaal ku soo maro.
Puntlandpost.com