BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MUQDISHO: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo oo gaaray Khartuum (Sawiro)

January 2, 2013 12:28 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Muqdisho: (pp)-   Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.

IMG_0103Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane C/Kariim X.Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta,Mudane Maxamuu Xasan Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.

IMG_0121Wafidigan ayaa waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.

IMG_0133Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.

IMG_0204Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya u diyarineyso goboladda dalka .Adeegyadaas ayaa ka kooban amniga, waxbarashada, caafimaadka,garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxey’na qeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda (Six Pillar policy).

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA