BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MUQDISHO: Magaalada Muqdisho oo maanta xukun dil ah lagu fuliyey Sadex Askari.

February 21, 2013 10:51 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Muqdisho: (pp)- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gaar’ahaan Xarunta Iskuulka Booliska xukun dil ah lagu fuliyey Sadex Askari oo katirsanaa Ciidamada Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Ragan Maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan xukun dil ah ku ridey Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.

Sadex askri oo la toogtey

Sadex askri oo la toogtey

Markii Dilka lagu fulinaayey ayaa waxaa goobta joogey Saraakiil Katirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dawlada Soomaaliya uuna kamid ahaa Taliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gen.Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab), Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil katirsan Ciidamada qalabka, Maamulka Gobalka Banaadir , Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo Dadweyne aad u tira badan oo u soo daawasho tagey.

Askartan lagu toogtay Magaalada Muqdisho oo mid kood ahaa Sarkaal katirsan Ciidamada ayaa waxaa lagu eedeyey inay u geysteen Dad Shacab ah iyo weliba askar katirsan Ciidamada Dawlada Dilal bareer ah,

Xukunkan Dilka ah ee  maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay fuliso Dawlada Federalka ah ee Dalka Soomaaliya waxayna dilalkani kusoo aadayaan xili dadweynaha Soomaaliyeed ay siweyn uga cabanayaan Kufsi,Dhac iyo Dhibaatayn kale oo ay u geysanayaan dad ku labisan labiska ciidamada Dawlada Soomaaliya.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA