BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MUQDISHO: Maraykanka oo Labaatan Milyan oo Doolar ugu deeqay Dalka Soomaaliya.

February 21, 2013 1:29 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Muqdisho: (pp)- Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya soo gaaray Sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Gargaarka Maraykanka ee Loyaqaan US AID Mr  Rajiv Shah , Waftigan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Masuuliyiin Sarsare oo katirsan Dawlada Soomaaliya ayna kamid ahaayeen Madaxweynaha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisul Wasaarihiisa Saacid Faarax Garaad.

US

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa masuulkan kula kulmay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyagoo kala hadlay arimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen deeqaha uu Maraykanku Siiyo Dalka Soomaaliya iyo Isbadelada lagu samaynaayo maadama Dawlada Soomaaliya ay ka baxday Mar xaladii KMG ahayd.

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa uga Mahadceliyey Masuulkan booqashada uu ku yimi Magaalada Muqdisho iyagoo Dawlada maraykanka ku amaanay sida ay mar walba u garab taagan tahay Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo sidii ay Dawladu cagaheeda iskugu taagi lahayd, Waxayna Dawlada Maraykanka ka codsadeen inay sii kor dhiso taageerada ay la garabtaagan tahay Dalka Soomaaliya tan inta uu cagihiisa isaga taagaayo.

Dr Rjiv Shah ayaa isaguna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo Dalka Soomaaliya isagoo sheegay inay Dawladiisu diyaar u tahay inay caawinto dhamaan umadda Soomaaliyeed si ay mar kale lugahooda isugu taagaan wuxuuna ku dhawaaqay in ay Dalka Soomaaliya siin doonaan $2,000,000 (Labaatan Milyan oo Doolar) oo dheeraad ah, si wax looga qabto arimaha Caafimaadka,Waxbarashada iyo Cuna yarida aafaysa Dalka Soomaaliya.

Dhaqaalahan ayaa waxaa si farxadi ku dheehantahay usoo dhaweeyey Madaxda Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya waxayna sheegeen inay deeqdaasi wax badan u qaban doonto umadda Soomaaliyeed ee kasoo kabanaysa colaado aafeeyey mudo ka badan 20-sano.

Sarkaalkan ayaa noqonaaya kii 2-aad ee kasocda Dawlada Maraykanka oo mudo Labo maalmood gudaheed ah soo gaara Magaalada Muqdisho, Waxaana muuqata inay Dawlada Maraykanku wakhtigan si aada u xisaynayso mar xaladaha isbadelaaya ee ka jira Dalka Soomaaliya iyadoo ay dhawaan aqoonsi u fidisay Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA