Muqdisho: (pp)- Guddoomiyaha Ururada bulshada Rayidka ee gobolka Banaadir Muxuyadiin Xasan Afrax ayaa dilkii Agaasimihii hore ee Idaacada Somaliweyn ku eedeeyey Xoogaga Al-shabaab.
Muxuyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in dilka Abuukar Xasan Kadaf uu yahay wax laga naxo , dilkiisana ay si toos ah uga danbeeyaan xoogaga Al-shabaab oo uu ku sheegay kuwo dhagar qabayaal ah , lala xisaabtami doono maalin maalmaha ka mid ah.
Guddoomiyaha Ururada bulshada Rayidka ee gobolka Banaadir ayaa Tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Abuukar Xasan Kadaf.
Marxuumku ayaa sanadkii u danbeeyey qayb ka ahaa ururada bulshada rayidka ah ee u ololeeya nabada iyo degenaashaha gobolka banaadir.
Inkasta oo dadka badankiis ay dilka Agaasimaha dusha u saarayaan Xoogaga Al-shabaab, haddana ma jirto qolo toos u cadayn karta shaqsiyaadkii sida tooska ah uga danbeeyey dilka Marxuum Abuukar Xasan Kadaf oo habeenkii xalay ahaa lagu dilay degmada wadajir , waqti uu hortaagnaa gurigiisa.
Dilka marxuumka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid qorshaysnaa, iyadoo la sheegayo in dilkiisa ay ka danbeeyeen Labo qof oo wejiga soo tuubtay, kuwaas ku hubaysnaa Bastoolado.
Sikastaba, Kooxaha lagu tuhmayo inay daadiyaan dhiiga qofka muslinka ah ayaa sheeganaya inay yihiin dad Islaam ah , waxaana dhici karta badankood inay yihiin kuwo inta badan fuliya waajibaadka Rabbi uu ku faradyeelay ummadda Islaamka ah , haddana waxay dhanka kale banaysteen Dhiiga qofka Soomaaliyeed ee Muslimka ah oo illahay (SWT) uu sheegay in lagu dili karo oo kaliya Dadka (XAQ) salka ku haya shareecada Islaamka.
Daabacaadda: Puntlandpost.com