Muqdisho: (pp)- Qarax xoogan oo ay sababtay Miinooyinka gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay guddaha Suuqa Bakaaraha, qaraxaas oo ay dhaawacyo kasoo gaareen dad shacab ah oo lagu qiyaasay illaa 12 qof oo Suuqa ku sugnaa.
Ciidamada booliis ayaa isla markiiba goobta soo gaaray ,iyagoo baaritaan ka bilaabay goobtii uu qaraxu ka dhacay, isla markaasna u qabtay dad ay uga shakiyeen inay qaraxaas ka danbeeyaan.
Qaraxaas ayaa la sheegayaa in loola danlahaa askar goobta qaraxa laga fuliyey ku sugnaa , iyadoo aysan wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada.
Qaraxan ayaa imaanaya kaddib markii Xalay Fiidkii Xaafada Wadajir lagu dilay mid ka mid ahaa Soomaalidii ansixisay shirkii dastuurka Soomaaliya ee lagu qabtay magaalada muqdisho bishii Agoosto.
Sikastaba, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa badanaa waxay dhibaato kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee ka ogdhow meelaha ay ciidamadu ku sugan yihiin.
Puntlandpost.com