BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday Xabsigga dhexe ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

April 21, 2012 2:25 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Muqdisho: (pp)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta booqday Saldhigga dhexe ee Magaalada Muqdisho, kaa oo ay ku jiraan maxaabiis aad u badan, kuwaa oo dambiyo kala duwan xabsiga ugu jira.

Gaas oo booqday Xabsiga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadda xabisgga ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda KMG Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise, Taliyaha Ciidanka Nabadd Suggida Qaranka Soomaaliyeed, C/xakiin Macalin Fiqi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa timid kamid markii maalintii shaley aheyd ay isku dayeen  qaar ka tirsan muxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho iney ka baxsadaan balse ay ciidanka Asluubta ka hortageen falkaasi. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Cusmaaciil ayaa ugu warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha dhacdadii shaley ka dhacday Xabsigga.

 ”Mudane Ra’iisul Wasaare shalay waxaa xabsigga ka dhacay qaar ka tirsan maxaabiista ayaa isku dayday iney ka baxsadaan balse arrintaasi ma aysan suura gelin oo ciidanka ayaa ka hortagay in kastoo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidanka Asluubta”. Ayuu yiri.

Warbixinta kadib ayaa ra’iisul Wasaaraha wuxuu soo kormeeray dhamaan dhismaha guud ee xabsigga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Ciidanka Baanbeyda ayaa salaan so gootin ah uu ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafuudii la socotay.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA