BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

MUQDISHO: Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka oo lagu dhaawacay magaalada Muqdisho

December 4, 2012 11:24 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Muqdisho: (pp)- Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadooyinka (Taraafikada) oo lagu magacaabo Gen. Cali Xirsi Barre ( Cali Gaab) ayaa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Dhaawaca taliyaha ayaa yimi kaddib markii ay Qori isku qabsadeen askari ka tirsan ciidanka taraafikada. Dhaawaca Sarkaalkan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid fudud oo lagu tacaalayo isbitaalka Daarul- shifa ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daray in askarigii ay qoriga isku qabsadeen Taliyaha isaga la qabtay. dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa aad ula la yaaban, waxa isu keenay Askari iyo masuul sheeganaya inuu yahay Taliye sare oo ciidamada Taraafikada ah isla markaasna wata jagada Generaal,taas oo shacabka Soomaaliyeed tusinaysa in raga sheeganaya Generaalada lagu taxay garaadada, isagoo aan marka hore aan  ka dhisnayn dhanka adaabka iyo aqoonta intaba.

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA