Shir socdey maalmo oo ay yeesheen beesha Camir Maxamed/Cismaan Maxamuud Gaar’ahaan Beesha reer Axmed, kana dhacay tuulada San-Barwaaqo oo 10 km u jirta Magaalada Qardho ee caasimada Gobalka Karkaar, Ayaa waxaa lagu caleemo saaray Nabadoon Cabdi mirood Madaxey, Kadib markii uu geeriyoodey Nabadoonkii hore Allaha u naxariistee Mirood Madaxey Maxamed.
Nabadoonkaas oo siweyn looga yiqiinay dhamaan Gobaladda Puntland, Gaar’ahaan gobalada Nugaal,Karkaar , Bari iyo Sanaag, Nabadoonka geeriyoodey ayaa xilka nabadoonimo soo hayey mudo 60-sano ku dhow, Wuxuuna geeriyoodey sanadkii 2003.
Daawo Sawiro kale
Intaa kadib beesha reer Axmed Nabadoonka ay xilka u dooratay oo ah Nin uu dhalay nabadoonkii hore ee geeriyoodey, Kaas oo ah nabadoonka cusub mid u qalma masuuliyada la saaray, kana shaqaynaya nabadaynta deegaanka beesha, darisyada kale ee la nool iyo dhamaan deegaanada Puntland.
Caleema Saarka nadoonka cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay dad iskugu jiray Samadoono,Odayaal,Aqoonyahan,
Shirkan lagu caleemo saaraayey Nabadoonka cusub ayaa ku idalaaday jawi aad u qurux badan. Beelaha Soomaaliyeed ayaa badanaa markii nabadoon uu ka dhinto waxay baadi-doonaan sidda dhaqanka Soomaaliyeed uu yahay inay baadi goobaan shaqsigii hogaamin lahaa Beesha , iyagoo ka dhex raadiya Duriyada ama qoyska uu ka soo jeedo Nabadoonka la doonayo , markii la isla gartana halkaas lagu caleemo saaro looguna duceeyo inuu noqdo mid dadka daacad uga shaqeeya marka laga hadlaayo xaaladaha adag ee soo food saara buklshada.
Puntlandpost.com