Nairobi: (pp)- Safiirka dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay kulamo uu kaga hortagayo fashil siyaasadeed oo kaga yimi dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka & Gedo, kuwaas oo Kalsoonida kala noqday isla markaasna u arka inuu khatar ku yahay Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka &Gedo kaddib markii uu la siyaasad noqday raga ka soo horjeeda maamul u samaynta Jubbooyinka uu ugu horeeyo madaxweynaha DF ee Soomaaliya.
Maxamed Cali Ameerika ayaa ka mid ah raga loo adeegsaday inuu Qaso maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka & Gedo, isagoo aan ka fiirsan cawaaqib xumada ay ku keeni karto marka laga hadlaayo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka & Gedo ayaa mucaaridnimo xoogan kala soo horjeestay Maxamed Cali Ameerika, kaddib markii saxaafada uu ka sheegay in dowlada Federaalka ee Soomaaliya kaliya ay maamul u dhisi karto deegaanada Jubbooyinka & Gedo , hadalkaas oo loo arkay inuu mowqif la wadaago Madaxweynaha DF Soomaaliya iyo rag kale oo ka soo horjeeda in shacabka Jubbooyinka & Gedo ay maamul ay u madax banaan yihiin ay iyagu dhisan karaan sidda uu u ogol yahay axdi qarameedka u yaal dowlada Federaalka ee Soomaaliya.
Maxamed Cali Ameerika ayaa bilaabay inuu aqalka safaarada Soomaaliya uu isugu soo aruuriyo dad badan oo Soomaaliyeed oo aan la socon waxyaalaha Soomaaliya ka socda , waxaana wararku intaas ku darayaan in Maxamed Cali Ameeriko oo uu ku bixiyey dhaqaale isku keenida dad Soomaaliyeed oo masaakiin ah aan shuqul ku lahayn siyaasada Soomaaliya ka taagan , si uu dadka Soomaaliyeed u jahawareeriyo uuna isu tuso in la taageersan yahay.
Dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa aad u hadalhaya hab dhaqanka Maxamed Cali Ameeriko , kulanada uu safaarada ku qabanayana ku sheegay kuwo fashil ah oo uu ku doonayo inuu shacabka Soomaaliyeed uu ku cameeyo.
“ Maxamed Cali Ameerika Ceeb kuma ahayn inuu Mukhalasnimo ku shaqaysto isagoo safiir ah, Ceeb kuma ahayn inuu Gato oo ka beec-mushtaro Baasaboorada Soomaaliyeed, Ceeb kuma noqon karto inuu ku hadlo Afka shaqsiyaad gaar ah , Ceebna kuma noqon karto inuu ka soo horjeesto maamulada loo samaynayo Jubbooyinka & Gedo , maadaama uusan waligiis noqon nin Xishood iyo Diblumaasiyad qadaraniaya” ayuu yiri Oday Jaamac Xuseen oo ka mid Odayaasha Soomaaliyeed ee aadka u yaqaan hab dhaqanka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ayaa dhammaantood aaminsan in haddii Maxamed Cali Ameerika laga qaado maanta Safaarada Soomaaliyeed ee Kenya inuu ka mid noqonayo Hantiileyaasha laga yaqaan Soomaaliya , lacagahaasna uu ka keenay Iibinta Baasaboorada Soomaaliya , Iibinta Fiisayaasha dad ku galka Soomaaliya & Kenya & u samaynta degenaanshaha Dad badan oo Soomaaliyeed , arrimahaas oo dhana uu ka helay dhowr Malyan oo doolar.