BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

NAIROBI: Soomaali badan oo ka tegeysa dalka Kenya

December 30, 2012 11:57 am GMT - Written by PP - Edited by PP

Nairobi: (pp)- Tan iyo intii dowlada Kenya ay ku amartay dadka soomaaliyeed ee aan sharciga ku lahayn dalkeeda inay iska xaadariyaan Xeryaha Qaxootiga,  ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed soo food saartay walwal ay ka qabaan in laga qafaalo magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Soomali dalkeeda dib ugu laabanaysa

Soomali dalkeeda dib ugu laabanaysa

Dad badan ayaa u diyaargaroobaya inay u socdaalaan deegaanada kala duwan ee Soomaaliya sidda Kismaayo, Muqdisho, Gaalkacyo iyo deegaano kale uu ku yaal koonfurta dalka Soomaaliya, iyagoo ka baqaya in dhibaato weyn uga timaado guddaha dalka Kenya.

Dadka inta badan ee ku laabanaya guddaha dalka Soomaaliya ayaa u badan dad iska joogay magaalooyinka dalka Kenya isla markaasna ay ku lahayn wax sharciya.

Laabashada dadka Soomaaliyeed qaarkood ay goosteen inay ku laabtaan dalkooda ayaa timid , kaddib markii Dowlada Kenya ay 2 casho kahor sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda ay dib ugu laabtaan xerooyinka qaxootiga ee ku yaal dalkeeda , waxaana warmurtiyeedkaas ay Kenya soo saartay walwal ka muujiyey hay’adaha gargaarka ee taageera dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga, kuwaas oo sheegay in aysan qaadi karin Qaxooti ka badan inta ku jirta  hadda Xeryaha qaxootiga.

Dowlada Kenya ayaa hadalkan u cuskatay inay la xiriirto arrimo ay wax uga qabanayso amaanka  dalkeeda .

Puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA