BBC SOMALI
VOA SOMALI
SOMALI LINKS

NAIROBI: Waraaqihii lahaanshaha dhismihii Safaarada Soomaaliyeed oo lagu wareejiyey Dawlada Soomaaliya.

February 23, 2013 6:13 am GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Nairobi: (pp)- Dawlada Kenya ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Safaaradii Dalka Soomaaliya ee Magaalada Nairobi oo uu Burburkii Dawladii dhexe ee Soomaaliya uu iibsaday Nin Hindi oo Ganacsade ah, Waxaana tan iyo 1996 dadaal loogu jirey sidii Gacanta umadda Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa Safaaradaas ay iyagu iska lahaayeen, Waxaana lagu guulaystay Dacwadii Safaradan Sanadkii aan soo dhaafnay 2012 markii ay Maxkamada Sare ee Dalka Kenya ay xukuntay inay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.

Danjire Ameerika & Dadweyne Soomaliyeed oo calanka suraaya dhismihii Safaarada.

Danjire Ameerika & Dadweyne Soomaliyeed oo calanka suraaya dhismihii Safaarada.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Nuur Cali (Ameerika) ayaa sheegay Dadaal badan oo ay bixiyeen kadib in si rasmi ah loogu wareejiyey Waraaqihii lahaanshaha ee Safaarada Soomalida ee Magaalada Nairobi, Safiirka ayaa sheegay inay dhawaan u guuri doonaan Guriga Safaarada Soomaalida markii dayactir lagu sameeyo maadama ay iminka Safaarada Soomalidu degan tahay guri kiro ah, wuxuuna sheegay inaysan jirin cid racfaan ka qaadanaysa dacwadii ay qaaday Maxkamada Sare ee Dalka kenya gurigaasna loogu xukumay Soomaalida.

Danjiraha ayaa Mahad balaaran u ceshay umadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya Gaar’ahaan Magaalada Nairobi dadaalkii ay ku bixiyeen soo celinta Gurigaas ay lahaayeen umadda Soomaaliyeed wuxuuna sheegay ina tani cadayn u tahay qaranimadii Soomaaliyeed oo dib usoo noolaanaysa.

Soo noqoshada Safaaarada umadda Soomaaliyeed ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa siweyn usoo dhaweeyey dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi waxayna ku tilmaameen Guul usoo hoyatey guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar’ahaan Jaaliyada ku dhaqan Dalka Kenya oo ay Safaaradu si gaar ah ugu adeegto.

puntlandpost.com

NEWS IN ENGLISH
RAYIGA AKHRISTAHA
CAYAARAHA