Safiirada Shiinaha iyo Talyaaniga u qaabilsan Somalia oo Bosaso soo gaaray

Bosaso-(Puntlandpost) Safiiradda dowladdaha Shiinaha & Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa goor dhawayd kasoo degay gagida diyaaradaha magalada Bosaso.

Labadaan masuul iyo wafdigooda waxaa madaarka kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Puntland, ku xigeenkiisa, iyo Afhayeenka Baarlamaanka, warbaahinta ayay kula hadleen qaybta nashashada ee garoonka.

Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa u mahad celiyay safiiradda soo gaaray magalada Bosaso, maadama shirkad laga lee yahay wadanka Shiinaha oo la yiraahdo CCECC ay dhistay wajiga koowaad ee garoonka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Warsame ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay garoonka waxa kale uu sheegay CCECC ay sii wadayso dadaalkeeda iyo garab istaaga Puntland, sidoo kale safiirka Talyaaniga ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay in wajiga koowaad mashruucaan la hir galiyo, maadama dowladda Talyaaniga ku deeqday dhaqaalaha ku baxay.

Galinka danbe ee maanta ayaa la sugayaa madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud inuu soo gaaro magalada Bosaso, kana qayb galo furitaanka garoonka oo mudo sanad ka badan laga shaqaynayay.
IMG_1524

IMG_1525

IMG_1542

IMG_1557

IMG_1564

IMG_1566

IMG_1572
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com