Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Xarrakatul Shabaab oo soo bandhigtay sakaal ay sheegeen inuu kasoo goostay DFKMG ah iyo hub
Posted to the Web Feb 08, 07:27

Muqdisho (PP) - Xarrakatul Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomalia ayaa maanta kusoo bandhigtay Muqdisho sarkaal ay sheegtay inuu kasoo goostay iyo hub fara badan.

Bandhigga sarkaalka iyo hubka oo ka dhacday Xeradii hore ee Guulwadayaasha ayaa waxaa hadal ka jeediyay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), wuxuuna sheegay inay mahad u celinayaan sarkaalka soo goostay.

"Walaalkeen wuxuu go'aan ku gaaray inuu difaaco diinta iyo dalka, wuxuuna kasoo baxay kooxda u adeegaysa danaha shisheeye, ciidamada kale ee ku harsanna waxaan ugu baaqaynaa inay kasoo baxaan" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in cid walba oo u timaada ay cafis u fidinayaan.

Sarkaalka soo goostay oo magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur ayaa xusay inuu ka tirsanaa saraakiishii hore ee Somalia uuna hadda madax u ahaa ciidamada ku xareysan Jasiira, isagoo ugu baaqay ciidamada iyo saraakiisha uu kasoo tagay inay kusoo biiraan kooxaha Dowladda ka horjeeda.

"Xeradii aan ka tirsanaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada, waxaana isaga dilnay 5-askari, kuwaasoo aanay wax jawaab ah ka bixin DFKMG ah, taas ayaana sabab u ahayd inaan kasoo goosto" ayuu yiri sarkaalkan.

Hubka oo gaarayay 50-qori oo kuwa fudud ah ayaa la sheegay inay wateen askar sakaalka lasoo goostay, balse aan meesha lagu soo bandhigin, waxaana sarkaalku uu si kooban u sheegay in isaga iyo askartu ay xalay u soo talaabeen dhinacan.

Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin sheegashada Xarrakatul Shabaab ee ah inuu dhankooda kusoo biiray sarkaalka kasoo goostay DFKMG ah iyo askar la socday, iyadoo Afhayeenku uu sheegay inay weerarradii xalay iyagu mas'uul ka ahaayeen.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>