Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Sheekh Aadan Madoobe oo maanta dalbaday in gacan laga geysto dhismaha Golaha Shacabka
Posted to the Web Feb 08, 07:27

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Max'ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta booqasho ku tagay Golaha Shacabka oo ay dhismo ka socoto ayaa ka dalbaday hay'adaha caalamka inay gacan ka geystaan dhismaha xaruntan.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ugu baaqay shacabka iyo hay'aduhu inay qayb ka bixiyaan dhaqaalaha lagu dhisayo xarunta golaha shacabka, halkaasoo la doonayo inay ku qabsoomaan shirarka baarlamaanka.

"Hay'adaha gargaarka iyo cid walba oo wax haysata waxaan ugu baaqayaa inay qayb ka qaatan dhameystirka dayactirka ka bilowday Golaha shacabka, si ay xubnaha baarlamaanku ugu kulmaan waqti dhow" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo saxaafadda kula hadlay golaha shacabka oo ay ka socdaan dayactirro aan xoog badnayn ayaa sheegay in Engineerradii dhisay oo u dhashay dalka Taliyaaniga ay ballanqaadeen inay bixin doonaan fikir iyo kharash.

"Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay kulammadooda dhawaan ku qabsadaan golaha shacabka, sidaa daraadeed cid walba oo gacan ka geysan karta dhismahooda, waan soo dhaweynaynaa" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Golaha Shacabka oo ku dhow Madaxtooyada iyo Masjidkii Isbahaysiga Islaamka ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo lagu bilaabo dayactir tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia 1991-kii.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>