Goa'aamada la soo saaray:
Go’aamadii lagaga dhawaaqay goobta ayaa waxaa saxaafada iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay shirka u aqriyey Garaad Mashqare, waxaana uu u qorna sidaan:
Isimadu waxay falanqeeyeen dhibaatada lagu hayo dadkooda iyo duulaanka garadarada ah ee Jamhada Soomali-diidka ahi ku soo qadeen qaybo kamida deegaanadayada, duulaankaas oo keenay barakac baahsan anagoo og in dadkii ay ku dhibataysan xeryaha qaxootiyada ee Kenya, Ethiopia, Yemeniyo xarumaha kale ee somaliya.
Waxaanu aad uga xunahay ama nasiib daro ah in wadamada caalamku iyo kuwa daneya arimaha soomaliya iyo Hay’adaha ay wax gargaara gaarsiin dadkaa dhibaataysan ee Guryahoodi iyo maalkoodi lagaga saaray xooga, waxaanu ka xunahay in Caalamku uusan dhaleecayn Jamhadii falal danbiyeedkaa u gaystay shcabka Gobalada SSC.
Hadaba waxaanu cambaarayneyna Maamulka riyaale sadexdii bilood ee ugu dambeeyey waxyalihii uu ka gaystay Magaalada Laascaanood ee Xurunta Gobalka Sool oo ahaa ku argagixiyo ah kuwaas oo ay inta badan shacabka dhexdiisa ku samaynayey falal diinta ka baxsan iyo qawaaniinta caalamka loona gaysanayey shacabka Reer Laascaanood kuwaas oo shcabka loo gaysanayey kufsi iyo xarig sharci daro ah waxana ognanay in caalamka si looga helo taageero dhaqaale iyo mid malatari ay u samaynayen Qaraxyo, mudaharaadyo.
Sidoo kale waxaa ay Issumadu sheegeen in aanu la socodsiineyno UN, Urur gobaledka IGAD, AU, Arabta Dowlada Fadaraalka iyo cidkasa oo dayneyneysa nabad galyada geeska Africa hadii aanay xal dagdaga u helin ka saarida ciidamada Maamulka riyale uu xooga ku qabsaday shacabka iyo maantada reer SSC taas oo ah gardaro aan geed loogu soo harsan kuna jooga deegaanada SSC in uu ka aloosmi doono dagaal reeba raad iyo qiiq dheeraada yeeshana wajiyo badan.
Isimadu waxaa ay sheegeen in Qodobada go’aamada ay dib u dhigteen maadaana ay tahay arin siyaasadeed iyagana waxaa laga ogaan doonaa shaqada ugu horaysa ee ay qaban doonaan Isimaddu.
Waxaanu markale Maamulka Riyaale aanu ugu baaqaynaa hadii uusan rabin dhiig data in uu Ciidamadiisa kala boxo Gobalada uu xooga ku qabsaday ee SSC 24 saac gudahood, hadii aanu nahay Isimada iyo waxgaradka Beelaha SSC marnaba uma dul qaadaynayno in dadkayaga iyo caruurtayada la dhibateeyo waxaan diyaar u nahay inaan xoraynto Gobaldayada maqan ee xooga naloo ku haysto.
Issimada goobjooga ka ahaa:
· Garaad Jaamac Garaaad Cali
· Garaad Jaamac Garaad C/laahi
· Garaad C/salaam Maxamed
· Boqor C/laahi Axmed Cali
· Garaad C/laahi Garaad Soofe
· Garaad Abshir Garaad Saalax
· Garaad Maxamed Shirwac
Shirkaan ayaa waxaa gogashiisa Fidiyey Garaad Jaamac Garad Ismaaciil waxana uu ujeedadiisu ahayd Dib,u xoraynta Gobalada Maqan ee ka maqan beelaha Walaalaha ah ee SSC iyo in ay midoobaan Isimada dhulbahante, waxaana ay sheegeen Isimadu in aysan jirin wax Isina oo ishaysta.
Qodabadii ka soo baxay Shirka,
1.Waxaa samaynay Guddi La yidhaahdo Khusuusi.
2. Khusuusigu wxuu ka koobnaan doonaa 21 xubnood,saddex kamid ah dumaryihiin.
3. Khusuusigu wxuuu awood u leeyahay inay ansixiyaan ama bedelaan hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.
4. Khusuusiga waxaa soo xulaya beelaha waxaana ansixinaya Isimada.
5. Khusuusigu waxay iska dhexdooranayaan gudoomiye,G.kuxigeen iyo Xoghayn.
6.Khusuusida waxay mudadoodu ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.
7. Khusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 cisho laga bilaabo maalinta gudoonku soo baxo.
8. Khusuusiga waxaa kala diri kara isimada soo saxeexay 2/3 cod.
9. Shuruudaha Lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad u gaara.
Dowlada Puntland
Sida lawada ogsoon yahay sadexdii Maamul ee ukala danbeeyey Puntland midba midka kale waa uga dayac iyo hagardaamo badnaa Gobalada Maqan sidii loo soo celin lahaa waxaana ay sahleen in laqabsado laguna fido qaybo ka mid deegaanada SSC, waxaana ay curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaanadaas waxaanu ognahay in Dowlada hada jirtay aysan diyaar u ahayn wax ka qabashada deegaamada maqan.
Isimadu waxaa ay go’aansadeen in dibu xoraynta Gobalada Maqan ee SSC loo wajaho xaq qabiil, Dowlada Puntland waxaanu ku tixgalineynaa hadba sida ay uga qayb qaadato xoraynta iyo go’aamada Isimada SSC ee maanga lagu soo afjaray Tuulada Burawadal oo ka tirsan Gobalka Nugaal.
Ugu dambayntii shirkaan ayaa ahaa mid ay isku afgarteen dhamaan isimaduu ka soo qayb shay waxaana ay si wada jira u muujiyeen midnimada iyo qaranimada beelaha SSC ay maanta u ah guul iyo rayrayb.
SAWIRO:
Siciid Cabdisalaan Siciid
Wakiilka-Puntlandpost-Garoowe