Search Article:
 


 

Home | News | Opinion | Islam | Literature | Health | Business | Education | Sports | Contact
 
Ramaas Software
Sos Food Safety
Citizenship Test UK
Amal Express
Maktabadda Suxayfa
Xawaaladda Salaama
Africa Jewelry
Free Satellite TV
Shafey Training
Safari Shop

 

 

 

 

 

 

 

 

 

MUQDISHO: Wasiirka Ammaanka Somalia oo sheegay in Dowladdu aysan duqeyn goobaha shacabka
Posted to the Web Feb 09, 02:10

Muqdisho (PP) - Wasiirka Ammaanka Qaranka Somalia C/llaahi Sanbololshe ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan duqeyn u geysan goobaha ay shacabku ku nool yihiin xilliyada ay dagaallada kula jirto kooxaha kasoo horjeeda.

"Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ma jiraan goobo ay shacab ku sugan yihiin oo ay duqeeyaan, runtiina markii dagaal dhaco cid walba waxay ku tashanaysaa inay nafteeda difaacato, waana dhacaysaa in goobo shacab ay hub ku dhacaan" ayuu yiri Wasiirka oo wareysi bixiyay.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay qaadayso dagaal ka dhan ah kooxaha kasoo horjeeda, si ay uga saarto goobaha ay gacanta ku hayso, wuxuuse ka gaabsaday inuu sheego xilliga uu weerarku bilaabanayo.

"Dowladda waajib ayaa ka saaran inay dadkeeda badbaadiso, waana taas sababta keentay inay go'aasato dagaal, ciidamadeeda waa u diyaar, dhawaan ayaana la qaadi doonaa dagaal" ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay BBC-da.

Sidoo kale wasiirka ammaanka Qaranka Somalia wuxuu sheegay in DFKMG ah ay ku kalsoon tahay ciidamadeeda, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in ciidamada ay waxyeello u geysan karaan shacabka.

Booqasho uu dhawaan ku tagay Magaalada Gaalkacyo ayuu wasiirku sheegay inuu kula kulmay saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia iyo Culummada Ahlusunna, isagoo sheegay inuu kala hadlay ammaanka guud ee dalka.

Ma weydiiyay goobaha ay weerarka ka qaadi doonaan ayaa sheegay in uusan doonayn inuu ka sheego qalabka warbaahinta arrimaha ciidamada, wuxuuse xusay inuusan jirin xilli go'an oo la go'aamiyay inay dowladdu dagaal qaaddo.
 
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com
 

Live TV

Saaxiibkaa u dir Saaxiibkaa u dir
Daabaco QormadanDaabaco

Sep 06 MUQDISHO: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo dhaliilay Madaxda DFKMG ah iyo ciidamada AMISOM
Sep 06 GAALKACYO: Maamulka Galmudug oo sheegay in Hay'adda UNDP ay uga baxday ballan ay horay u galeen
Sep 06 NAIROBI: Ra'iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Kenya, kaddib markii uu Muqdisho ka dhoofay
Sep 06 GAROOWE: Udiyaar Garowga Ciidul Fidriga oo si wayn looga dareemay magaalada Garoowe.
Sep 05 MUQDISHO: Iskahorimaadyo khasaare geystay oo maanta ka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir

 

 

 


 
    ©2001-2008 Puntlandpost.com  ®All rights reserved.       Designed by Ramaas Software
>>>