Muqdisho (PP) - Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan kooxaha kasoo horjeeda, inta ay ka gaarayaan hadafkooda khaaska ah.
Afhayeenka Ahlusunna Sheekh C/raxmaan C/llaahi Yuusuf (Abuu-Qaadi) oo ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin inay weerarro ku qadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha kasoo horjeeda.
"Go'aankeennu waa inaan sii wadno dagaallada, waxaana dhawaan weeraraynaa goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha naga soo horjeeda si aan uga saarno" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Al-Qaadi.
Wuxuu sheegay in go'aanka ay ka leeyihiin dagaallada ay kula jiraan Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab ay yihiin inay dalka oo dhan ka saaraan, isagoo diiday inay leeyihiin damac siyaasadeed oo ku aaddan inay xukumaan Somalia.
Mar la weydiiyay imaanshaha Gen. Max'ed Nuur Galaal ee Gobolka Galguduud ayuu ku sheegay inay tahay mid uu iyaga garab ku siinayo, isla markaana uu go'aan ku gaaray inuu qayb ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha kasoo horjeeda.
"Gen. Galaal wuxuu u dhashay Gobolka dhowr jeer ayuuna yimid, balse hadda waa ka duwan yahay socodkiisa kuwii hore, wuxuu doonayaa inuu ka qaybgalo dagaalka barakeysan ee ay ku jirto Ahlusunna" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Al-Qaadi.
Dhanka kale, Gen. Galaal oo isaguna saxaafadda dhawaan la hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo sidii uu gacan uga geysan lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Xarrakatul-shabaab iyo Xisbul Islaam.