Muqdisho (PP) - Ururka Al-Qaacida ayaa sheegay inay qabsanaan marin-biyoodka Baabul-Mandab ee isku xira Badda cas iyo gacanka Cadan, iyagoo sheegay inay kaashan doonaan Xarrakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.
Taliye ku xigeenka Ururka Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta Saciid Al-Shahri oo cajalad maqal ah soo dhigay Bar Internter ayaa ku amaanay Xarrakatul Shabaab go'aankii ay ku gaareen inay ciidamo ugu dirayaan dalka Yemen.
"Waxaan qabsanaynaa Marin biyoodka Baabul-Mandab si aan u horistaagno in dalka Mareykanka uu gargaar siiyo Yuhuudda, waxaana dagaalka u kaashanaynaa kooxaha Somalia ka dagaalama" ayuu yiri Saciid AlShahri.
Sarkaalkan oo ka mid ahaa xubnihii laga sii daayay xabsiga Guwantanamo Bay ayaa sheegay inay dagaallada wadayaan inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah inay afka ciidda u daraan dalka Mareykanka oo uu sheegay inuu burbur ku socdo.
"Islaamiyiinta Somalia waxaan ugu baaqaynaa inaan iska kaashano dagaallada aan kula jirno cadowga Islaamka ee Mareykanka, waa in iyagoo halkooda ku sugan iyo innagoo halkeenna ku sugan aan iskaashi sameyno" ayuu yiri sarkaalka Al-Qaacida u hadlay.
Cajalada ayaa wuxuu sidoo kale ku amaanay Cumar Faruq oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo dhawaan isku dayay inuu qaraxiyo diyaarad Mareykanku leeyahay oo ku socotay Magaalada Detriot xilligii loo dabbaaldagayay ciidda Masiixiga sannadkii hore.